6 carruur ah oo ku geeriyootay dab ka kacay Kismaayo

978

Shan carruur ah oo isku qoys ah ayaa maanta ku geeriyooday dab ka  kacay gurigooda oo ku yaal magaalada Kismaayo,  iyadoo dhacdadan ay aad uga argagaxeen dadkii deegaanka.

Dhacdadan ayaa ka dhacday halka lagu magacaabo Dalxiiska Xaafada Farjano ee magaalada Kismaayo.

Waxaa la sheegay in hooyada dhashay carruurtan ay ku xirtay guriga, iyadoo dhar dhaqid u aaday xaafad kale, si ay nolol maalmeed ugu raadiso.

Wararka ayaa sheegaya in shanta carruur ee geeriyooday uu ugu weynaa 6 jir, halka kan ugu yar uu ahaa canug naas la nuujinayay.

Madaxweyne ku xigeenka kobaad ee jubaland Maxamuud Sayid Aadan  iyo Wasiirka Madaxtooyada Jubaland oo goobta gaaray ayaa uga tacsiyeey ehelada caruutii ku geeriyooday dabkii maanta ka dhacay guri ku yalaada magaalada Kismaayo.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay  in ay ka Maamul ahaan garab istaagi doonaan  qoyskii ay ka baxeen caruurta waxaana la qeybsan donaa murugada.