9 Maalmood ka dib Wariye Cumar Dheere oo la sii daayay

1196

Cumar Siciid Maxamed (Cumar Dheere)  oo ka mid ah wariyaasha Soomaaliyeed ayaa maxkmadda gobolka Nugaal ee maamulka Puntland waxaa ay maanta ku siideysay damaanad.

Saxafigan ayaa Maamulka Puntland u xirnaa mudo Sagaal maalmood ah.

maanta oo Sabti ah ayaa  Wariye Cumar Dheere waxaa  la geeyay Maxkamadda derajada kowaad ee gobolka Nugaal  ayadoo markii dambe dammaanad ku sii daysay.

Hay’adaha u dooda xuquuqda Aadanaha iyo kuwa difaaca xuquuqda wariyaasha ayaa cambaareeyay xariga loo gaystay wariye Cumar horayna u dalbaday in shuruud la’aan la sii daayo.

Wariye Cumar Dheere ayaa markii lasoo daayay waxaa soo dhoweeyay Qaar ka mid ah wariyaasha ka howl gala Puntland.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu ka mid yahay dalalka ugu halista badan ee Qof wariye ah uu ka howlgalo.

Warbixin Guddiga QM u qaabilsan  Xuquuqda Aadanaha  uu soo saaray sanadkii hore ayaa waxaa lagu sheegay in ka badan 30 isugu jira Wariyaal iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya lagu dilay guud ahaan Soomaaliya tan iyo 2012.

Guddiga ayaa ka digay xaaladda xuquuqda aadanaha dalka Soomaaliya.