Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka, Cirka iyo Dhulka ee xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Kulmiye Xirsi Dheere ayaa sheegay in maanta saraakiil ka socoto Hay’ada Caalamiga ah ee QM u qaabilsan Maamulka Hawada ee loo yaqaano (International Civil Aviation Organisation) ICAO, uu kala wareegay qalab dhameystiran oo lagu maamuli doono Hawada Soomaaliya.
“Waxaan maanta qalabkii lagu maamuli lahaa hawada Soomaaliya kala wareegnay Hay’adda ICAO, waan kaga mahad celineynaa Hay’ada sida ay noo taageertay, qalabkaan wuxuu sahli doonaa in mudo dhowr iyo labaatan sano ka dib hawada Soomaaliya laga maamulo magaalada Muqdisho” ayuu yiri Wasiiru dowlaha sida lagu qoray Wakaaladda wararka Soomaaliya
Wasiiru dowlada wuxuu sheegay in heer gaba gabo uu marayo qorshaha ay guud ahaan kula soo wareegayaan Maamulka Hawada Soomaaliya, isagoo xusay ay diyaar tahay goobtii looga shaqeyn lahaa qalabkaasi ay maanta la wareegaan, waxa kaliya ee u harsana ay tahay in la soo wareejiyo shaqaalihi ka shaqeynayay hawada Soomaaliya oo hada ku shaqeeya dalka Kenya.
“Qalab dhameystiran ayaan kala wareegnay Hay’adda ICAO, meeshii aan ku shaqeyn laheyn way inoo diyaarsan tahay, waxaa inoo harsan shaqaalihii hawsha qaban lahaa oo hada ku shaqeeya xarun ku taala dalka Kenya” ayuu intaa ku daray Wasiir Cabdiraxmaan Dheere.
Wasaaradda Gaadiidka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ayaa shalay wakaaladda Ku hadasha afka dowladda Soomaaliya ee SONNA ( Somali National News Agency) u sheegay in dowladda Federal-ka ah ee Soomaaliya ka hor dhammaadka bisha October ee sanadkan si rasmi ah ula wareegi doonto maamulka Hawada Soomaaliya.