Ciyaaryahanada Özil iyo Gündogan oo ka jawaabay kulan muran dhaliyay oo ay la qaateen Erdogan

1563

Mesut Özil iyo Ilkay Gündogan oo ah Labo ciyaartooy oo u dhashay dalka Jarmalka, balse asal ahaan kasoo jeeda dalka Turkiga  ayaa  madaxda dalka Jarmalka la kulmay si ay sharaxaad uga bixiyaan kulan ay la qaateen madaxweynaha Turkiga Racep Tayib Erdogan.

Madaxweynaha Jarmalka Frank-Walter Steinmeie, ayaa Labada ciyaartooy  la kulmay  kadib markii siyaasiyiin kala duwan oo dalka Jarmalka ku sugan ay ku eedeeyeen in ay taageero u fidiyeen Erdogan ka hor inta aysan dalkaasi Turkiga doorashooyinka ka dhicin.

Dowladda Jarmalka ayaa horey u dhaleeceysay Erdogan , iyada oo ku eedeeyay sidii uu ula dhaqmay mucaaradka kadib afgambigii dhicisoobay.

Mesut Özil iyo Ilkay Gündogan ayaa waxaa  ay ka tirsan yihiin xulka Qaranka Jarmalka, ayaga oo u diyaargaroobaya tartanka koobka adduunka ee bisha dambe ka dhici doona dalka Ruushka.

Xiriirka kubadda cagta Jarmalka ayaa sidoo kale eedeeyay labadan ciyaartooy.

Hase ahaatee tababaraha xulka Qaranka Jarmalka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu dareensan yahay in ciyaartoyda labada dhasho haysta ay xaalad adag Ku jiraan.

Mar la waydiiyay macalinka Xulka Qaranka dalka Jarmalka haddii uu shaki Ku jiro mustaqbalka labadaasi ciyaartoy ayaa waxaa uu sheegay in ka Macalin ahaan uusan marna ka laba labaynin in Ozil iyo Gundogan uu usoo xusho Ciyaaraha Koobka Adduunka oo dhowaan la filayo inay ka bilowdaan dalka Ruushka.

Madaxweynaha Jarmalka ayaa sheegay in ay muhiim ahayd in ciyaartooydan ay kala caddeeyaan moowqifkooda, iyada oo Ozil uu sheegay in uu Jarmalka barbar taaganyahay, halka Gurdogan uu sheegay in Jarmalka uu yahay dalkiisa.

Erdogan ayaa hoggaamiya Turkiga muddo 15 sano ah, iyada oo 14-ka bisha June loo dareerayo goobaha codbixinta dalkaas.