Qadar oo $500M u yaboohday dalka Urdun

838
Ra'iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed waxa garoonka diyaaraha ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Dowladda Yar ee qaniga ah ee Khaliijka Ku taala ee Qadar ayaa dalka Boqortooyada Urdun/Jordan ugu yaboohday lacag dhan $500M oo doolarka Maraykanka ah.

Yaboohan loo sameeyay dalka  boqortooyada Hashemiyiinta Urdun, ayaa timid ka dib markii ay kulmeen boqorka Urdun iyo wasiirka arrimaha dibadda dalka Qadar Mohamed bin Abdulrahman Al Thani in Amman.

Dalka Urdun, waxaa ka taagan qalalaaso dhanka dhaqaalaha ah taasi oo keentay in dalkaasi ay ka dhacaan dibadbaxyo waa wayn oo keenay inuu iscasilo ra’iisul wasaaraha dalkaasi Hani al-Mulki.

Dalalka Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta iyo Kuwait, ayaa dhowaan dalka Jordan ugu deeqay lacag dhan $2.5 billion oo dollar ka dib shir ka dhacay magaalada barakaysan ee Maka al-mukarama ee dalka Sacuudi Carabiya.