Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday inay gebi ahaanba burisay natiijadii doorashada Madaxtinimada Kenya ee dhacday 8-dii bishii Agosto ee sanadkan, taasoo uu ku guuleystay Madaxweynaha xilligan talada haya Uhuru Kenyatta.
Go’aan ka soo baxay Maxkamadda sare ayaa lagu sheegay in la baabi’iyay natiijada doorashada, iyadoo ku amartay in muddo 60 cisho la qabto doorasho cusub.
Hoggaamiyihii Mucaaradka Raila Odinga ayaa dhowaan dacwad u gudbiyay Maxkamadda sare ee dalka Kenya, kaddib markii uu qaadacay natiijadii doorashadii dhacday 8-Agosto ee Guddiga doorashada ay shaaciyeen inuu ku guuleystay Uhuru Kenyatta.
Maxkamadda Sare ayaa go’aamisay in doorasho labaad lagu noqdo taasi ay tahay in lagu qabto muddo 60 cisho gudahood kana bilaabanaysa maanta oo jimco ah oo go’aanka Maxkamadda uu dhacay.
Raila Odinga ayaa sheegay inay la jabsaday nidaamkii codeynta Computer-ka, isagoo xusay inay dhacday ku shubasho.
Go’aankan ayaa ka dhigan in mar kale uu Raila Odinga soo noolaaday, kaasi oo doorashooyinkii ugu dambeeyay looga adkaanayay ee ka dhacay dalka Kenya.
Raila Odinga oo uu dhalay Madaxwayne Ku xigeenkii ugu horeeyay dalka Kenya, kaasi oo ka soo jeeda qowmiyadda loo yaqaano Jalwa ama Luwo.
Go’aanka ka dib Madaxwaynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, oo shir jaraa’iid Ku qabtay magaalada Nairobi waxaa uu sheegay inuusan maxkamadda Sare Ku raacsanayn go’aanka ay soo saartay hase ahaatee uu xishmaynayo go’aanka Maxkamadda.
“Runtii Maxkamadda Sare kuma raacsani go’aanka ay soo saartay hase ahaatee waan xushmaynayaa go’aanka. Aniga oo dhan waxaa nahay Kenyan mana joogno waqti dagaal” ayuu yiri Uhuru Kenyatta.
Waa markii u horeysay ee Taariikhda Afrika oo Maxkamad ay baabi’iso natiijada doorasho Madaxweyne