Waxaa soo dhamaatay ciyaartii u dhaxeysa xulalka Croatia iyo France, waxaana ciyaaru ay aheyd mid aad u xiiso badneyd oo aduunyadu oo dhan ay hadal heysay.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa lagu kala nastay 2-1 oo uu ku horkacayay xulka France, iyada oo markii dib la isugu soo laabtay xulalkan ay dhexmartay ciyaar xiiso leh, waxaana ugu dambeyn 4-2 ku badiyay xulka France.
Xulka France ayaa goolasha waxa uu ka kala helay ciyaartoyda kala ah Antoine Griezmann, Paul Pogba, Kylian Mpappe iyo goolka Afaraad oo ahaa mid uu iska dhaliyay Mario Mandzukich oo ka tirsan Croatia, xulka Croatia ayaa labada gool ee uu la yimid wuxuu ka helay Ivan Perisic iyo Mario Mandzukic.
Ugu dambayntii waxaa koobka aduunka la gudoonsiiyay xulka France oo ku guuleystay tartankan oo sanadkan lagu qabtay dalka Ruushka.
Ciyaartan ayaa waxaa ka qeyb galay Madax ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha Croatia iyo Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga.