Agaasime ku xigeenada Hey’adda sirdoonka ee NISA oo shaqo joojin lagu sameeyay

1217

Agaasimaha guud ee hey’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen ayaa maanta shaqo joojin ku sameeyay ku xigeenadiisa.

War qoraal oo uu soo saaray Agaasimaha NISA ayaa shaqadii looga joojiyay maanta oo ay Taariikhdu tahay 16 July 2018-ka Sareeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo Col. C/qaadir Maxamed Nuur.

Labada agaasime ku xigeen ee maanta shaqada laga joojiyay ayaa ahaa ku xigeenada koobaad iyo labaad ee Agaasimaha hay’adda NISA.