Dadweynaha Muqdisho oo walaac ka muujiyay jidadka xiran – UM

1331

Muqdisho (UM) – Shacabka ku nool Gobolka Banaadir gaar ahaan caasimadda Muqdisho ayaa walaac wayn ka muujiyay dhibaatada ay kala kulmayaan xirnaanshiha waddooyinka Muqdisho ee sii kordhaysa. Dadwaynaha ku nool Muqdisho ayaa sheegay in xirnanshiyaha waddooyinka muhiim ka ah ee ay samayn dhaqaale iyo mid nololeedba ay ku yeelatay bulshadda ku dhaqan Gobolka banaadir.

Dowladda oo horrey u xirtay waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho sabab ay ku sheegtay in ammniga lagu sugayo ayaa haddana sii kordhisay xirista waddooyinka iyagoo ku soo kordhiyay in jidcadaasha xaafadaha dhexmara birro lagu gooyo si aysan gawaariddu u adeegsan, taasi oo caqabad ku keentay dadka gawaaridda gaarka ah wata ama xaafadaha jidcadayasha soo galaan degan.

Waa ku adagtahay muwaadinka laga yaabo in uu ku noolyahay halka birta lagu gooyay in uu galo gurigiisa isaga oo gaarigiisa wata. Mararka qaar waxaa dhacda in muwaadin laga celiyo gurigiisa oo awoodi waayo in uu galo.

Darawalada wada bajaajyada ayaa u sheegay Umaadda Media in dhib weyn ay ku qabaan waddooyinka xiran gaar ahaan jidcadayaasha.

“Waxaa laga yaabaa adiga oo in badan warwereegayay in aad is tiraahdo hadda ayaad waddo heshay marka aad cabbaar socotana aad si lama filaan ah ula kulanto waddo aad shalay martay oo manta xiran. Runtii halkaas waxaa naga soo gaara khasaaro iskugu jira dhaqaale iyo waqti, macaamishana aad ayay nooga xumaadaan” sidaas waxaa yiri, wade ka tirsan taksiyada fudud ee bajaajyada oo ka walaacsan ka muujiyay marista waddada

“Dowladdu hoose bisha marka ay dhammaato waxay naga qaadaa canshuur, haddana bisha dhan waddooyinka waa naga xiranyihiin, marka sideen ku heleynaa canshuur aan bixino”. Dirawal kale ee bajaaj ayaa isna sidaas u sheegay UM.

“Horta ganacsi waxa ugu muhiimsan macaamiil, haddii macaamiisha aysan awoodi Karin in ay soo gaaran goobta ganacsi wey adagtahay in ganacsi uu helo faa’iido. Goobta ganacsiga kuu ah ayaa laga yaabaa in bir lagu horgooyo oo uusan qofna kuusoo galin. Dowladda waxay naga rabtaa canshuur, waxna nama soo galin marka sideen u bixin karnaa.” waxaasi sidaasi isna yiri ganacsade ku nool Muqdisho.

“Waddooyinka xiran waxay nagu hayaan culeys aan annaga kaliya dareemi karno oo aysan madaxdeena nala dareemeeyn. Waxaan awoodi weynay in aan xitaa bukaanada isbitaalada geeysano, sidaas darteed dawladeena waxaan ka codseynaa in aysan nagu sii kordhin. Tan kale haddii ay sidaan go’aansatay waxaan dawladda ugu baaqayaa in ay keento gaadiid dadka geeya goobaha caafimaadka si  looga fogaado halis ku timaada qofka muwaadinka ah.” Sidaas waxaa si carroleh u yiri qof ka mid ah shacabka degan xaafad ka mid ah degmada Waaberi oo UM u waramay.

Waddooyinka muhiimka ah ee xiran ayaa samayn xooggan oo dhanka ganacsiga ah iyo noolasha ah ku yeeshay dadweynaha ku nool caasimadda Muqdisho.