Dowladda Soomaaliya oo saxiixday Axdiga Xuquuqda Dadka Naafada ah

752

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Deeqa Yaasiin ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka ku saxiixday ka mid noqoshada Soomaaliya ee Qaraarka Qarammada Midoobay ee Xuquuqda Dadka Naafada ah.

Soomaaliya ayaa noqoneysadDalka 178-aad ee saxiixa Qaraarka Qaramada Midoobay ee xaquuqda dadka Naafada ah, iyadoo tani ay ka dhigan tahay in  dowladda Soomaaliya u istaagtay ilaalinta xuquuqda dadka Naafada ah.

Dadka Naafada ee ku nool gudaha dalka ayaa la filayaa in ay muhiimad gaar ah uu yeesho ka mid ah noqoshada Soomaaliya dowladaha saxiixay axdiga xuquuqda dadka Naafada ah.