Warbixin: 85,000 kun oo carruur ah oo gaajo u dhintay intii uu socday dagaalka Yeman

711

Hey’ada badbaada carruurta Britain ee Save the Children ayaa sheegtay in qiyaastii 85,000 kun oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay 5 jir ay u dhinteen gaajo ama cudur aad u daran tan iyo markii dagaalka dalka Yeman uu sii kordhay saddex sano ka hor.

Warbixinta cusub ee hey’ada badbaada carruurta ayaa sheegtay in intii u dhaxaysay Abriil 2015 ilaa Oktoobar 2018, qiyaastii 84,701 carruur 5 sano jir ka yar ay u dhinteen xaalado caafimaad xumo, nafaqo-xumo ba’an ah ama gaajo.

Dhibaatooyinka bani’aadanimo ee adduunka ugu weyn, ayaa ka imanaya dagaallo aad u ba’an oo mar kale ka qarxay magaalada dekedda leh ee Xudeyda – oo ah meel muhiim u ah Qaramada Midoobay iyo gargaarka kale ee bani’aadanimo iyadoo ah xudunta dagaalka u dhaxeeya isbaheyiga uh Mareykanku taageerayo ee Sacuudi Carabiya, Imaraadka iyo jabhada Xuuthiyiinta ee Iran ay taageerto.

Warbixinta Save the Children ayaa sheegtay go’doominta gargaarka dhulka iyo maagalada dekedda leh ee Xudeyda ay xaalada bini’aadanimo uga sii dartay.

Tamer Kirolos, agaasimaha Hey’ada badbaada carruurta Save the Children ee Yeman ayaa sheegay, in hey’adu aad uga naxday tirada u gaajada awgeed u dhintay.

Sida ay sheegtay Qaramara Midoobay Qiyaastii 400,000 kun oo carruur ah ayaa laga cabsi qabaa in qatar ugu jiraan nafaqo xumo daran tiradaasi oo ka badan mid sanadkii hore.