Jamal Khashoggi oo loo aqoonsaday shaqsiga sanadka 2018

711

Suxufigii Sacuudiga u dhashay ee la dilay Jamal Khashoggi iyo saddex Suxufi oo kale oo loogu yeeray’ ilaaliyaasha dagaalka runta’ ayaa wargeyska TIME magazine u aqoonsaday shaqsiga sanadka 2018-ka.

Abaalmarinta, oo looga dhawaaqay maanta oo talaado ah Teledishinka NBC, ayaa u aqoonsatay shaqsi ama koox dad ah kuwaasi oo saamaynta ugu badan ku yeeshay wararka iyo dunida ‘si ka fiican ama ka xun’ sanadkii hore.

“Sida adduunyada oo dhan, geesinimadu waxay inooga imanaysaa heerar kala duwan iyo waqtiyo kala duwan,” Edward Felsenthal oo ah tifaftiraha wargeyska TIME magazine ku qoray qoraallo ku saabsan xulashada abaalmarinta. ” Sannadkan waxaan aqoonsaneynaa afar suxufi iyo hal warbaahin oo bixiyay waa qiimo aad u xun in la qabsado caqabadda xilligan: Jamal Khashoggi, Maria Ressa, Wa Lone iyo Kyaw Soe Oo iyo wargeyska Capital of Annapolis, Md. ” Ayuu yiri.

“Waxay u taagan yihiin dagaal ballaadhan oo ay dad badan oo adduunka ah ku nool yihiin – sida laga soo xigtay Dec. 10, ugu yaraan 52 suxufi ayaa la dilay sannadkii 2018 – kuwaas oo halis ugu jira inay sheekada sheegaan waqtigeena,” Felsenthal ayaa qoray.

“Waxay u taagan yihiin dagaal ballaaran oo ay dad badan oo adduunka ah ku nool yihiin – iyadoo shalay Dec. 10 la xusay maalinta caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, ugu yaraan 52 suxufi ayaa la dilay sannadkii 2018 – kuwaas oo halis ugu sheegida sheekada waqtigeena,  ayuu ku daray tifafiraha TIME magazine,Felsenthal.

Go’aanka abaalmarinta loogu aqoonsaday suxufiyiinta ayaa yimid kadib markii la diiwaan geliyay – 262 oo Suxufi dunida oo dhan- la xiray sannadkii 2017, sida uu sheegay Guddiga difaaca Suxufiyiinta ee CPJ.

Khashoggi, oo ahaa qoraa aad u dhaliili jiray boqortooyada Sacuudi Carabiya kana tirsanaa wargeyska Washington Post, ayaa lagu dilay gudaha qunsuliyada Sacuudiga Istanbul ee dalka Turkiga 2da bishii Oktoobar. Dilkiisa, oo lagu eedeeyey inuu ka dambeeyay heerarka ugu sarreeya ee xukuumadda Sucuudiga, ayaa sababay carro caalami ah

Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxammed bin Salmaan ayaa si wayn loo shakiyay inuu bixiyay amarka dilkiisa, Qiimaynta warbixin ay CIA-da Mareykanka ay diyaarisay ayaa go’aamisay in dhaxal sugaha Sacuudiga uu xiriir joogta ah la sameeyay la taliye ku dhaw kaasi oo la rumaysanyahay inuu kormeeryay hawlgalka maalintii Khashoggi la dilay.