Sharikadda Spectrum ee sahminta shidaalka ayaa ka hadashay khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya.
Sharikaddan oo ah midda qabatay shirkii 7dii Bishan ka dhacay London sidoo kalena sahmisay xermooyinka shidaalka ee biyaha Soomaaliya ayaa beenisay in dhul biyoodka ay sahanka ku sameysay uu ku jiro halka ay Kenya sheeganeyso lahaanshiyaheeda oo haatan dacwadeedu hortaalo maxkamadda Caalamiga ah ee Hague.
Sharikadda waxaa ay sheegtay in sahankeeda xogta xermooyinka shidaalka Soomaaliya uu ka billaabanayo xeebaha Maamul Goboleedka Puntland ilaa sohdinta Kenya iyo Soomaaliya
Spectrum ayaa beenisay eedeymaha dowladda Kenya ee ku saabsan in la iibgeeynayo xog shidaal oo laga soo uruuriyay dhulka ay Soomaaliya iyo Kenya ku muransan yihiin ee ku yaalla xuduud badeedka labada dal.
Horaantii todobaadkan dowladda Kenya ayaa u yeertay safiirkii u fadhiyay Soomaaliya iyadoo safiirkii Soomaaliya ee Neyroobina ku amartay inuu dalka isaga baxo kadib eedeymo la xiriira in Soomaaliya ay iibgeyneyso qeybo kamid ah xuduud badeedka lagu muransan yahay ee Soomaaliya iyo Kenya.
Bayaankan ay soo saartay shirkadda Spectrum oo dowladda Soomaaliya heshiis la gashay bishii Sebteember 2015, ayaa taageeraya hadalkii dowladda Soomaaliya ay soo saartay maalin ka hor oo ah inaysan waxba ka jirin doodda Kenya ee ah in dhul shidaal uu ku jira dhul badeedka lagu muransanyahay ay Soomaaliya beec geysay, wuxuuna meesha ka saaray eedeymaha aan caddeymaha laheyn ee ay soo jeedisay Kenya, midaas oo waji gabax ku ah hab dhaqanka diblomaasiyadeed ee dowladda Kenya.
Warsaxaafadeedkan oo lagu lifaaqay khariidada shidaalka ee ay soo bandhigtay shirkadda Spectrum ayaa lagu muujiyay in dhammaan sahanka shidaalka ee la sameeyay laga sameeyay xuduudda ay Soomaaliya gaarka u leedahay ee aanan laga sameyn xuduudda Soomaaliya iyo Kenya ay ku muransan yihiin.
War saxafadeedkan ka soo baxay shirkadda Spectrum ee ku hawlaneyd xog aruurinta kheyraadka ku jira badda Soomaaliya ayaa dhabar jab ku ah dowladda Kenya oo iyagoo aanan heynin caddeyn ay ku taageerto cabashadeeda weerar diblomaasiyadeed ku qaaday Soomaaliya.