Bandhigga Carwada Buuggaagta oo Muqdisho ka furmay maanta

1228

Muqdisho (UM) – Waxaa maanta ka furmay Huteel Royal Palace ee magaalada Muqdisho Carwada buuggaagta ee Muqdisho, iyadoo halkasi  lagu soo banddhiggi doono buuggaag kale duwan. Carwada Buuggaagta Muqdisho oo sanadkii seddexaad Muqdisho lagu qabanayo ayaa waxa ka soo qeybgalay qaar ka mid ah qorayaasha Soomaaliyeed, aqoonyahano, dhallinyaro iyo marti sharaf kale.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ambassador Michael Keating ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii maanta booqday oo ka qeybgalay bandhigga Carwada Buuggaagta ee Muqdisho.

Bandhigga Carwada Muqdisho ayaa sanadkii seddexaad lagu qabanayaa magaalada Muqdisho, iyadoo lagu soo bandhiggo buuggaag kale duwan oo ka hadlaya, dhaqanka, cilmiga siyaasadda, arrinaha bulshada, dhaqaallaha iyo dhiirigellinta Qoraalka iyo Akhriska.

^