Boris Johnson “Iran ayaa ka dambeysay weerarkii Aramco”

564
Sawirka Seth Wenig/AP

Ra’iisul wasaaraha Britain, Boris Johnson ayaa Iran ku eedeeyey inay ka dambeysay weeraradii lagu qaaday goobaha saliidda laga soo saaro ee Sacuudiga, xilli uu kusii jeeday magaalada New York, halkaasi oo uu kula kulmi doono madaxweynaha Iran.
“Waxaan kuu sheegi karaa in UK ay mas’uuliyadda weeraradii lagu qaaday Aramco dusha u saareyso Iran” ayuu yiri Boris Johnson oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Press Association.

Johnson ayaa la filayaa inuu Kulanka Guud ee QM ee New York kula kulmo madaxweyne Hassan Rouhani.
Waxa uu sidoo kale Rouhani kala hadli doono weeraradaas, iyada oo ay kulanka kala qeyb gali doonaan madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo ra’iisul wasaraha Jarmalka Angela Merkel.
“Waxaan rumeysannahay in ay aad suurta-gal u tahay in Iran ay mas’uul ka tahay isticmaalka diyaarado drone ah iyo gantaallada Ruushka” ayuu Johnson u sheegay weriyayaasha.
“Waxaa cad in arrinta adag ay tahay sidii aynu u agaasimi lahayn jawaab caalami oo arrintan laga bixiyo, iyo wadadda xigta oo ay tahay inaan qaadno.”
“Waxaan la shaqeeneynaa saaxiibadeena Mareykanka iyo Yurub, si aan u jawaabno iyo inaan qaboojino xiisadda gacanka.” Ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Britain.

Mareykanka iyo Iran ayaa sidoo kale weeraradii dhacay 14-ka September waxay ku eedeeyeen Iran.