Ciraaq oo cabasho ka dhan duqeymaha Mareykanka u gudbisay Golaha ammaanka ee QM

550
Ciraaq oo cabasho ka dhan duqeymaha Mareykanka u gudbisay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. Reuters

Ciraaq ayaa sheegtay in ay dacwad rasmi ah u gudbisay golaha ammanka qaramada midoobay iyada oo ka cabaneysa weeraro isxig xigay oo maraykanku dalkaas ka geystay.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Axmed Alsaxaaf ayaa sheegay in dawladda Ciraaq ay labo warqad oo ashtako ah oo looga dacwoonayo dhawr weerar oo lala beegsaday ciidamada miltaariga iyo booliiska ciraaq  loo gudbiyay golaha ammaanka

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Ciraaq ayaa ku tilmaamay duqeymaha Maraykanka ku cadawtinimo ah oo si cad ugu xadgudbay heshiiska ciidanka Maraykanku Ciraaq ku joogaan.

Weerarka Maraykanka ayaaa lagu dilay sadax askari oo ciraaqiyiin ah, labo booliis ah iyo shaqaale rayid ah , waxa kale oo lagu waxyeeleeyay garoonka diyaaradeed oo dhisme ku socdo.

Dhanka akle ciidanka Ciraaq ayaa sheegay in talaadadii ay gantaallo ku dhaceen  saldhiga ciidanka shisheeye, saldhigaas oo fariisin u ah ciidanka Spain.

Ma jirto cid sheegatay weerarka lagu beegsaday ciidanka shisheeye oon  si rasmi ah loo shaacin khasaaraha ka dhashay.