Boqorkii hore ee Spain oo eedo musuq dartood dalka uga tagay

545
Boqorkii Spain Juan Carlos uu go'aansaday in uu dalka iskaga tago. Sawirka/ BBC

Qasriga looga taliyo boqortooyada Spain ayaa sheegay in boqor Juan Carlos uu go’aansaday in uu dalka iskaga tago toddobaad kaddib markii lala xiriirshay baaritaan musuq la xiriira.

Juan Carlos oo 82 jir ayaa arrintaan ku shaaciyay warqad uu ku wareejiyay wiilkiisa Felipe kaas oo uu lix sano ka hor ku wareejiyay awoodda. Warqadda ayuu ku sheegay in uu diyaar u yahay xilli kasta oo dacwad oogayaashu u yeeraan.

Bishii June maxkamadda sare ee dalka Spain ayaa furtay baaritaanka la xiriira ku lug lahaanshaha Juan Carlos qanadaraas tareenada fudud looga dhisayay Sucuudiga.

Ma cadda halka uu saldhigan doono boqorkaan, hayeeshee warbaahinta Spain ayaa ku warrantay in uusan dalka Spain ku sugneyn.

Waa bixid bahdilaad ku ah boqor taariikhda ku galay in uu si xirfadeysan dalka Spain uga bixiyay xukun kalitalisnimo isaga oo u gudbiyay dimuqraadiyad kaddib geeridii kaligii taliyihii Spain General Franco sanadkii 1975tii.