Muqdisho ( UM) – Waddooyinka ugu muhiimsan isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee magaalada Muqdisho ayaa shalay subixii ilaa duhurkii xirnaa.
Maxaa loo xiray waddooyinka?
Waxaa loo xiray Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble si uu u booqdo saddex Isbitaalka oo ku yaalla waddooyinkaas muhiimka ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga inuu booqanayay Isbitaallada Banaadir,Martiini iyo Yardimeli taasi oo uu sheegay inuu soo kormeeriyay adeegyada ay dadka u hayaan si Xukuumadda uu soo dhisi doono ay tixgelin iyo mudnaan gaar ah u siiso bahda caafimaadka iyo adeegyada bulshada. Arrintani waa mid wanaagsan waxa ayna muujinaysaa inuu Ra’iisul wasaaraha masuuliyadiisa ku aadan shacabka uu u arko inuu gudanayo. Laakiin Ra’iisul wasaaraha waa inuu ogaadaa sida qaladka ah oo dheer oo waddooyinka loogu xiray in shacabka ay dhib wayn u keentay.
https://www.facebook.com/111204934065700/posts/132648408588019/
Waddooyinkii shalay Ra’iisul wasaaraha loo xiray dhibaato wayn oo dhaaqale iyo mid bulsho ayay keentay. Waddooyinka muhiimka ah ee la xiray waa kuwo ku yaalla wadnaha dhaqaalaha caasimadda waa goobaha ugu muhiimsan isku socodka ganacsiga iyo dadka. Imase ganacsato ayaa shalay khasaartay? Imase shaaqale ama dadka qoysaskooda u xamaalanayay ayaa rootidoodii waayay? Su’aallahan waa muhiim in uu ka jawaabo Ra’iisul Wasaare Rooble, uuna shacabkana ku qanciyaan in aysan mar dambe dhacayn arrintaan.
Amni darro waa ay ka jirtaa Muqdisho, waddooyinkana waa muhiim in loo xiro marka madaxda Qaranka ay marayaan si amnigooda loo ilaaliyo laakiin nidaam iyo siyaaad amni ayaa muhiim ah in la raaco marka la xirayo waddooyinka si aysan dadka ugu noqon wax markasta la filaan la’aan ah loo xiro.
Ra’iisul Wasaare xaafiiska waa ku cusub tahay ee shacabka ha is nacsiin, siyaasaddaada amnigana ha ku dhisnaato adeega shacabka.