Wafdi Sare oo uu hogaaminayo General-ka ugu sareeya ciidanka qalabka sida ee dalka Turkiga Hulusi Akar, ayaa maanta oo Jimco ah kasoo degay garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Hulusi Akar, Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga ayaa waxaa soo dhoweeyay taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, General Maxamed Axmed Jimcaale, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hogaanka ciidamada Soomaaliya.
Taliyaha ayaa waxaa salaan Sharaf xarunta wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya kaga qaatay ciidamo ka tirsan dowladda federal ka Soomaaliya, ayadoo xaflad soo dhowayn ah loogu qabtay xarunta wasaaradda Difaaca, waxaana halkaasi sidoo kale hiiso soo dhowayn ah ka qaaday fanaaniin taliye Hulusi Akar loo diyaariyay kuwaasi oo qaarkood lagu qaadayay luuqadda Turkish-ka.
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Maxamed Axmed Jimcaale oo xafladda soo dhowaynta ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Turkiga uu kaga mahad-ciliyo taageerada walaaltinimada leh uu Soomaaliya la garab taagan yahay.
Hulusi Akar, taliyaha guud ee Ciidamada Turkiga ayaa dhankiisa sheegay inay dowladdiisa ka go’antahay inay Soomaaliya taageero la garab taagnaadaan ilaa iyo inta Soomaaliya isku filnaansho ka gaarayso.
Taliyaha ayaa lagu wadaa inuu la kulmo madaxda dowladda federal ka ah ee Soomaaliya.
Waa kuma Hulusi Akar?
General Hulusi Akar, waxaa uu dhashay 17 bishii January sanadka markuu ahaa 1952) waa general 4 xiddigle ah, kaasi oo haatan haya xilka ugu sareeya ciidamada qalabka sida ee dalka Turkiga, isagoo ay hoos imaanayaa dhammaan taliska ciidamada Badda, Cirka iyo Dhulka ama Militariga, waa taliyihii 29 ee Ciidamada qalabka sida ee dalkaasi.
Waa ninka ugu jagada sareeya guud ahaan ciidamada, saraakiisha dalkaasi, marka laga soo tago wasaaradda Difaaca iyo madaxwayne Raccep Tayyip Erdogan. Waxaa uu soo qabtay xilalka ugu sareeya ciidamada NATO xilligii dagaalkii Bosnia iyo waliba dagaalkii Kosovo. Waxaa uu ciidamada ku dhex jiray muddo ka badan 43 sano, waxaa uu isagoo taliye ah ka qayb galay ku dhowaad 10 dagaal.
Waxaa uu qabaa haweenay lagu magacaabo Şule Akar, waxaa uu leeyahay labo carruur ah. Waa general si fiican u yaqaana luuqadda Ingiriiska.
15 bishii July 2016, xilligii afgamigii dhicsoobay ee dalka Turkiga waxaa loo gaystay afduub ay ka dambeeyeen taliyashii soo maleegay afgambigaasi. Sida uu ku waramay the Economist, Akar, ayaa afduubayaashu waxaa ay ku qasbeen inuu saxiixo warqad dalka ay ugu soo rogi lahaayeen xaalad deg deg ah, markii uu diiday ayaa inta suunkiisa ay soo fureen waxaa ay ku xireen gacmihiisa ayagoo kusii xiray qoortiisa.
Intii afgambiga howshiisa ay socotay ayaa waxaa isagoo afduuban luquntiisa iyo gacmihiisuna ay isku xiran yihiin lagu haayay xarunta ciidamada Cirka ee Akıncı Air Base taasi oo ku taala caasimadda Ankara.
Xerada militari Turkiga uu ka dhisay Muqdisho oo barri la furayo
Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya Cabdullahi Imaan oo aan la hadalnay ayaa sheegay in taliyaha sababta uu usoo gaaray Muqdisho ay tahay inuu ka qayb galo xafladda furitaanka xurunta Militari ee Turkiga muddo sannado ah ka dhisayay magaalada Muqdisho taasi oo loo dhisay qaab caalami ah. Waxaa dhismaheeda lasoo gebagebeeyay billo ka hor.
Waxaa la filayaa in wufuud her sare ah oo Turkiga ka socda ay soo gaaraan magaalada Muqdisho.
Xerada ayaa ah xerada militari ee ugu wayn Turkiga uu ku leeyahay meel ka baxsan Jamhuuriyadda Turkiga.
Waxaa la sheegay in maalin kali ah lagu tababari karo in ka badan 1,500 oo askari.
Waxaa ay ka kooban tahay in ka badan 4 iskuweer kilomitir (1.54 square miles).