Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta qaabilay Safiirrada 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika oo uu hoggaaminayay Danjire Maxamed Gad oo ah Safiirka Masar.
Kulan Ra’iisul Wasaare Rooble la qaatay Safiirada ayaa looga hadlay howlaha Ciidammada nabad ilaalinta AMISOM ee Somalia iyo xoojinta Iskaashiga DFS iyo Midowga Afrika.