Madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa booqasho labo maalmood ah ugu ambabaxay wadanka Suudaan. Waftiga madaxweynaha ayaa ka duulay garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa la filayaa in marka uu gaaro wadanka Suudaan uu kulamo la qaato madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashir iyo madaxda kale eedalkaasi, iyaga oo ka wada hadli doona iskaashiga labada dowladood iyo in si wadajir ah looga shaqeeyo dhinacyada Amniga, Siyaasadda iyo Waxbarashada.
Madaxweynaha Soomaaliya waxaa safarkiisa uu ku aaday Sudan ku wehlinaya xildhibaano iyo wasiiro katirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya. waxaa kaloo dalkaasi hore ugu duulay wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Federaalka Siciid Xuseen Ciid, waftigan ayaa qayb ka noqonay waftiga madaxweynaha
Booqashada Madaxweynaha ayaa sidoo kale la qorsheeyey uu la kulmo jaaliyadda Soomaalida ee kunool Sudan iyo guud ahaan ardayda wax ka barata jaamacadaha dalkaasi