Golaha Ammaanka oo Kuuriyada woqooyi kusoo rogay cunoqabatayn hor leh

895

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa isku raacay cunoqabateyn cusub oo la saaro Waqooyiga Kuuriya, kaddib markii dhowaan ay tijaabisay Gantaalo hor leh.

Cunaqabateyntan cusub ee lagu soo rogay Waqooyi Kuuriya ayaa waxaa uu ka mamnuucayaa wax dhoofinta iyo maalgashiga dalka, waxaana meel mariyay dhamaan xubnaha joogtada ee golaha ammaanka, iyadoo aanay jirin cid diidmada qayaxan ka hor-timid.

Intaan golaha la hor keenin qaraarka ayaa waxaa mudo kasoo wada xaajooday dowladaha Shiinaha iyo Maraykanka ayadoo markii ay kusoo heshiyeen ka dib lasoo hor dhigay 15 ka xubnood ee joogtada ka ah golaha ammaanka ee QM.

Cunoqabatayntan ayaa ah tii ugu adkayd ee lagu soo rogo dowladda Kuuriyada Waqooyi.

Hadii cunoqabatayntan ay hergasho ayaa waxaa ay la micno tahay in Kuuriyada Waqooyi ay qasaari doonto in ka badan 3 billion oo dollar.

Wakiilka joogtada ah Dowladda Maraykanka u fadhida QM gabadha lagu magacaabo Nikky Helay ayaa ansaxinta qaraarka ka dib sheegtay in ujeedada ugu wayn ay tahay in Maamulka Kaligii taliska ah ee Kim Jon Un  lagu qasbo in ay waayaan lacag ay Ku hormariyaan barnaamijkeeda Nuclear-ka.

Dowladaha Shiinaha iyo Rushka oo lagu xanto inay naas-nuujiyaan xukuumadda Pyongyang ayaan samayn wax is hor taag ah oo Ku aadan cunoqabatayntan cusub.

Arintan ayaa timid ka dib markii bishii aan soo dhaafnay markale ay tijaabisay gantaalka qaaradaha isaga kala goosha ee loo yaqaano (ICBM) intercontinental plastic missile, kaasi oo khubarada nuclear-ka ay sheegeen inuu awood xukuumadda Pyongyang ay awood u leedahay inay garaaci karto magaalooyinka xeebaha Ku yaala ee dalka Maraykanka.