Raila Odinga oo sheegay inuu aqoonsanayo Soomaaliland hadii uu ku guulaysto madaxtinimada

1025

Musharraxa xisbiga Mucaaridka dalka Kenya   Raila Odinga, ayaa ka dhawaajiyay in hadii uu noqdo Madaxweynaha dalka Kenya doorashada guud ee  ka dhaceysa dalkaasi 8 bishan uu aqoonsan doono maamulka Somaliland.

Raila, waxaa uu sheegay in Soomaaliya uu si gaar ah u tixgalin doono , Somaliland uu u aqoonsan doono dal Madax banaan oo ku yaalla Geeska Afrika.

Waxaa uu xusay in maamulka gooni isu taaga ah ee waqooyiga Soomaaliya ee Soomaaliland ay mudan tahay in dal madaxbanaan ahaan loo aqoonsado.

Raila, ayaa dhan ka kale waxaa uu Ku cilinayay in ciidamada dowladda Kenya ka jooga Soomaaliya inuu ka saari doono.

Doorashada guud ee dalka Kenya ayaa waxaa inaga xiga maalmo un oo kali ah waxaana jira cabsi badan oo laga qabo in doorashada ay ka dhashaan rabshado Ku salaysan qaabaa’ilka.

Labada xisbi ee ugu waa wayn ee is wajihi doonaa ayaa kala ah Jubilee iyo Cord  oo haatan loo badalay NASA, waxaana kala hogaamiya  madaxwaynaha iyo Ku xigeenkiisa iyo Ra’iisul wasaarihii hore Raila Odhinga iyo madaxwayne Ku xigeenkii hore ee Kenya Kolonzo misoka.