Wasiir Beyle oo kormeeray howlaha Canshuur qadista ee garoonka diyaaradaha Adan Cade (Sawiro)

1224

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa kormeer ku tagay Xarunta Canshuuraha ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, isgaoo u kuur-galiyay howlaha shaqo ee  ka socda halkaas.

Wasiir Cabdiraxmaan  Ducaale  Beyle ayaa  u jeedka socdaalkiisu  lagu sheegay inuu ahaa sidii loo xaqiijin lahaa  in shaqada Canshuuraha Garoonka  ay u socoto habkii lagu balamay iyo in kale.

Wasiirka Maaliyadda  ayaa mid mid u dul istaagay goobaha ay shaqadu ka socoto iyo Diyaaradaha Xamuulka keena oo ay ku jiraan kuwa Khaadka (Jaadka) soo dajiya, si loo hubiyo agabka laga soo dajiyo Garoonka iyo kuwa  laga dhoofinayo labaduba.

Cabdiraxmaan Ducale Beyle, Wasaaradda Maaliyadda Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya,  ayaa dadaal ugu jira sidii  hanaanka maaliyadeed ee dalka loo hormarin lahaa, ayadoo bilihii u danbeyayna wasaaradda la sheegay in ay  ku talaabsatay sara u qaadista dhaqaalaha wadanka.

Wasiirka ayaa socdaalka kormeereed ee uu maanta ku tagay qaybaha kala duwan ee garoonka Caalamiga ah ee Adan Cade ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa Ku wehliyay wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda ra’iisul wasaare Khayre.

Warkooban oo ku qornaa luuqadda Ingiriiska oo Mr. Beyle uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in aruurinta dhaqaalaha Gudaha ay tahay Nambarka koowaad ama muhiimadda koowaad ee wasaaradda Maaliyadda.

https://twitter.com/DrBeileh/status/922427627381710848

“Dhammaan ilaha Dhaqaalaha Qaranka waa inay u shaqeeyaan si wax ku ool ah, Dah-furnaan ah iyo waliba si wax-tar leh” ayuu ku yiri qoraalka kooban ee uu Twitter-kiisa soo dhigay.

Hoos ka daawo sawirada kormeerka wasiirka Maaliyadda uu ku tagay garoonka Adan Cade ee magaalada Muqdisho.