Home Wararka Bilaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo shirka caasimadaha Afrika uga Qeybglaya Rome

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo shirka caasimadaha Afrika uga Qeybglaya Rome

1519

Duqa ahna guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, oo lagu wado in barri uu ka furmo shirka Caasimaddaha Afrika.

Guddoomiye Taabid ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Rome ku soo dhoweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga iyo Mas’uuliyiin kale, iyadoo hadal kooban uu saxaafada ku siiyay garoonka uu Guddoomiyaha sheegay inuu ka qeyb galayo shirka ku saabsan caasimaddaha Afrika.

Shirkan ayaa looga hadlayaa magaaleynta iyo koritaanka qaarada Afrika, iyadoo ay ka qeyb galayaan Duqa magaalooyin, Maamulo, Wasiiro ka socda Africa iyo talyaaniga, Cilmi baarayaal, hey’ado iyo ururo caalami ah.

Ka qeyb galka shirka ka dhacaya magaalada Rome ayaa ka dhigan in magaalada Muqdisho ay dib ula soo noqotay matalaadeeda Caalamka, isla markaana ay soo muuqato fagaarayaasha iyo shirarka caalamiga.

Caasimadda Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay ka soo kabaneysay burburkii, iyadoo Maamulka uu hoggaaminayo Guddoomiye Taabid ay sameeyeen horumaro la xiriira dhanka maamulka, adeega bulsho iyo dowlad wanaaga. Shirkan ayaa u noqonaya Gudoomiyaha gobolka Banaadir fursad uu kula kulmo madaxda Talyaaniga iyo kuwa kale ee caasimaddaha Afrika uuna kula wadaago dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Muqdisho iyo hiigsiga maamulkiisa