QM oo ka walacsan in guddiga dib u eegista Dastuurka aan Haween lagu darin

940
Michael Keating, Wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya. Sawirka: Google

Wakiilka gaarka ah xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire Michael Keating ayaa warqad qoraal ah u diray gudoonka labada Aqal ee Baarlamaanka federal ka ah ee Soomaaliya.

Warqadda Danjire Michael Keating oo ay heshay Warbaahinta Ummaddamedia ayaa waxaa lagu sheegay in wakiilada Meesha Caalamka ee Ku sugan Soomaaliya ay ka walacsan yihiin in haweenka laga reebay guddiga dib u eegista dastuurka Qabyo qoraalka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Warqadda ayaa waxaa ay si toos ah ugu socotay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayadoo  sidoo kalena lagu wargaliyay madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed.

“Aniga oo ku hadlaya magaca Kooxda Copenhegan oo ka kooban Safiirada Itoobiya ,Sweden, Talyaaniga, Qaramada Midoobay, Ingriiska, Mareykanka, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Urur Goboleedka IGAD waxa aan qoraalkeygan idinku wargalineynaa in aan tixgalinnay doorashadii 7da Ogosto loogu doortay Senotor Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid inuu noqdo Guddoomiyaha Guddiga Wadajirka ee Dib U eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya

Laakiin waxa aan ka walaacsannahay in uu guddigaasi uu shaqo bilaabo, iyadoo haweenku aaney ku laheyn wax matalaad ah,  sababtoo ah guddigan waxa uu door muhiim ah ka ciyaarayaa qaabeynta musaqbalka Soomaaliya”

“Soomaaliya waxa ay tallaab muhiim ah u qaaday hirgalinta dowlad loo wada dhan yahay doorashadii 2016-2017 taas oo ay haweenku ka heleen 24% xubnaha baarlamaanka sidoo kale waxaa kordhay xubnaha haweenka ku jira Gollaha xukuumadda ,marka in la dafiro doorka haweenka oo aaney wax cod ah ku yeelan dib u eegista Dastuurka iyaga oo ah  in ka badan 50% bulshada Soomaaliyeed waa mid meel ka dhac weyn kana soo horjeeda cadaaladda iyo Xuquuqul insaanka, waxaana haweenka oo laga saaro guddiga ay su’aal galineysaa sharciyadiisa iyo awoodiisa taasoo adkaaneysa inuu ku guuleysto howsha loo igmaday ee ah dib u eegista dasuurka federaalka” ayaa lagu Yuri warqadda wakiilada beesha Caalamka.

Hoos ka akhriso warqadda oo Ku qoran luuqadda Ingiriiska.