Home Wararka Bilaha Maxaad ka taqaanaa Somali Airlines?

Maxaad ka taqaanaa Somali Airlines?

4149
Diyaarad Soomaaliya lahayd oo ka diiwaan gashnayd dalka Belgium-ka oo fadhida garoonka diyaaradaha Fiumicino Airport, taasi oo nooceedu ahaa Airbus A310-200 sanadkii (1989)

MOQDISHO (UM)—Kulan looga hadlayay sidii dib loogu soo cilin lahaa shirkaddii diyaaradaha Soomaali Airlines ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa ka qayb galay wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Oomaar, wasiiru dowlaha wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, xubno ka tirsan Baarlamaanka iyo Qaar ka mid ah shaqaalihii hore ee Shirkaddii diyaaradaha Soomaaliya ay lahaan jirtay ee Somaali Airlines.

Kulanka ayaa socon doona muddo Saddex maalmood ah, sida ay ku warsmayso wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA.

Muddada kulanka uu socdo ayaa waxaa laga hadli doonaa sida ugu macquulsan islamarkaana ugu fudud ee dib loogu soo cilin karo shirkaddii diyaaradaha Soomaaliyeed ee Somali airlines, taasi oo aan shaqaynin tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Maxamed Cabdullahi Oomaar, wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulanka ka sheegay in dowladda ay dadaal xoogan ugu jirto dib u howl-galinta Somali Airlines.

Saddexda maalmood ee kulanka uu socdo ayaa sidoo kale waxaa macquulnimada dib u helidda Shirkaddaasi laga waraysan doonaa Qaar ka mid ah shaqaallihii  hore ee Somali Airlines.

Maxaa hor-taagan soo cilinta Somali airlines?

Tan iyo 1991-dii xilligaasi oo ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaa dalka ka hana-qaaday shirkaddo diyaaradeed oo gaar loo leeyahay, kuwaasi oo ilaa iyo hadda dadka Soomaaliyeed u haya adeegyaddii ay qaban jirtay Somali Airlines.

Inkastoo adeegyadaasi wanaagsan dadka Soomaaliyeed ay u hayaan  shirkaddaha diyaaradaha gaarka loo leeyahay ee dalka, waxaa la sheegayaa in haddana isla ayagu ay hor-taagan yihiin in dib loo soo ciliyo Somali Airlines.

Sababta ayaa lagu micneeyay in ay lumin karaan dhaqaale iyo macaamiil badan haddii la helo Somali Airlines, maxaa yeelay waxaa macquul ah in adeegyo ka qarash yar kuwa gaarka loo leeyahay ay la timaaddo.

Maxaad ka taqaanaa Somali Airlines?

Diyaarad Shirkadda diyaaradaha Somali Airlines ay lahayd oo nooceedu ahaa Boeing 707-330B oo fadhida garoonka diyaaradaha Caalamiga Frankfurt Airport ee dalka Jarmalka 29 sano ka hor (1988)

Shirkadda Diyaaradaha Soomaaliya ee Somali Airlines, ayaa la aas-aasay sanadkii 1964-tii, taasi oo la micno ah in la aas-aasay 4 sano ka dib xurriyaddii Soomaaliya.

Shirkadda, ayaa qaban jirtay adeegyo duulimaadeed oo Gudaha dalka iyo kuwo caalami ahba isugu jiray.

Noocyada diyaaradaha Somali airlines, ayaa ahaa Boeing 720B, Boeing 707-300 iyo Airbus A310-300, waxaana laamo ay Ku lahayd Yurub iyo Barriga dhexe.

Shirkadda ayaa (100%) waxaa milkiyaddeeda lahayd dowladdii Soomaaliya, hase ahaatee aaskeedii 1964-tii, Somali National Airlines, dowladdii Shibilka ahayd ee xilligaasi waxaa ay shirkadda Ku lahayd 50%, ayadoo shirkaddii Alitalia, ay lahayd 50%.

Wax yar ka dib aas-aaska shirkadda, dowladda Maraykanka ayaa ugu deeqday Soomaaliya 4 diyaaradood oo ahaa nooca Douglas DC-3.

Caqabadaha muddadii ay shaqaynaysay

Dowladda Kenya ayaa Somali Airlines ka mamnuucday Hawada Kenya, ka dib markii ay sheegeen in Radio Muqdisho uu baahiyay hadal weerar Ku ahaa Madaxwaynihii xilligaasi ee dalka Kenya, Jomo Kenyatta.

Dhacdadaan ayaa timid isla sanadkii koowaad ee Somali Airlines ay ka Shaqo bilowday magaalada Nairobi sanadkii 1966-dii.

Diyaaradihii dalka Soomaaliya uu lahaa ee hoos tagayay shirkaddii Somali Airlines ayaa ahaa:

Diyaarad shirkaddii Somali Airlines ay lahayd oo nooceedu ahaa Airbus A310-300, taasi oo duulimaadkeeda Ku guda jirtay 28 sano ka hor (1989).
  • Airbus A310-200
  • Airbus A310-300
  • Boeing 707-120B
  • Boeing 707-320
  • Boeing 707-320B
  • Boeing 707-320C
  • Boeing 720B
  • Boeing 727-200
  • Douglas C-47A
  • Fokker F27-200
  • Fokker F27-600
  • Viscount 742D
Dalka Magaallooyinka Garoomada Refs
Djibouti Djibouti Djibouti-Ambouli International Airport [10]
Egypt Cairo Cairo International Airport [10]
Germany Frankfurt Frankfurt am Main Airport [10]
Italy Rome Fiumicino Airport [10]
Kenya Nairobi Jomo Kenyatta International Airport [10]
Qatar Doha Doha International Airport [10]
Saudi Arabia Jeddah King Abdul Aziz International Airport [10]
Seychelles Mahé Seychelles International Airport [23]
Somalia Berbera Berbera Airport [24]
Somalia Hargeisa Hargeisa International Airport [5]
Somalia Kismayo Kismayo Airport [5]
Somalia Mogadishu Aden Adde International Airport [10]
United Arab Emirates Abu Dhabi Abu Dhabi International Airport [10]
United Arab Emirates Dubai Dubai International Airport [10]
Yemen Aden Aden International Airport