Maxkamadda Racfaanka G. Banaadir oo mar kale muddeysay dhageysiga dacwada C Cabdisakuur

1044

Maxkamadda racfaanka ayaa muddo kale u qabatay dhageysiga dacwadda siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur markii uu imaan waayay muddadii hore oo maanta aheyd.

Warqad uu soo saaray gudoomiyaha maxkamadda racfaanka  gobolka Banaadir Saalax Shiikh ayaa lagu sheegay in dacwada loo muddeeyay 3da bisha soo socoto markaas oo la dhageysan doono dacwadda ka dhanka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxaa sidoo kale warqadaas lagu faray laamaha booliska iyo danbi barista in ay warqadda dacwadda gaariiyaan siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Siyaasiga Cabdiraxmaan ayaa wakiilnimadii kala noqday qareenaddii matalayay isaga oo sheegay in uusan tagi doonin maxkamad uu ku tilmaayay mid siyaasadeysan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayey horay wax danbi ah ugu weysay maxkamadda gobolka Banaadir oo dib u siisay xoriyadiisii isaga oo dhawr maalin u xirnaa dawlada Soomaaliya.