Gudoomiyaha Gobolka Benaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa ku dhawaaqay in uu baaqday Shirka Wadatashiga Nabadeynta iyo Hormarinta Gobolka Benaadir, kaa soo lagu waday in uu Maalinta Bari ah ka furmo Magaalada Muqdisho. Duqa Magaalada ayaa sheegay in Howlo farsamo oo jira awgood uu shirka ubaaqday, waqtiga shirka laqaban doono uu Maamulka dib ka soo sheegi doono.
Shirkaan wadatashiga ayaa lagu waday in uu ka furmo magaalada Muqdisho maalinta barri ah, waxaana hadda muuqaneysa in uusan qabsoomi doonin sababo farsamo darteed.Maamulku ma uusan sheegin maalinta la qaban doono shirkaan oo muddo la sugayay.