M/weyne Farmaajo oo xalay la hadlay Qurbajoogta Soomaaliyeed ee Masar

1154

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo  ayaa soo gunaanaday booqashadii uu ku joogay dalka Masar labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Farmaajo, ayaa jaaliyadda kula kulmay xarunta Jaamacadda Al-Azhar ee magaallaadda Qaahira, halkaasi oo lagu qabtay munaasabad ballaaran oo lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha iyo wefdigiisa.

Munaasabadda soo dhoweynta waxaa ka qeyb-galay safiirka Soomaaliya ee dalka Masar, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr C/qaasim Salaad Xasan, Wasiiro ku wehliyay safarka Madaxweynaha iyo jaaliyadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Max’ed C/llaahi Farmaajo, ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad dheer, wuxuuna Madaxweynaha Soomaaliya uu uga mahadceliyay Dowladda Masar sida wanaagsan oo ay u soo dhaweysay iyo jaaliyadda Soomaaliyeed.

Khudbad uu goobta ka jeediyey Madaxweyne Farmaajo waxa uu kaga hadlay caqabadaha hortaagan dowladnimada Soomaaliya iyo dadaallada xiriirka ahaa ay ku bixiyeen madaxdii ka horraysay sidii looga bixi lahaa bur burka ku dhacay qarannimada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in caqabadaha kale ee wiiqay dowladnimada ay ka mid tahay qabyaaladda, musaq maasuqa iyo caddaalad darrada kuwaas oo dhammaantood sababay niyad jab ku dhaca dhallinyarada oo ku dhaliya in ay ka tahriibaan dalka.

Madaxweyaha Farmaajo ayaa uga dambeyn u mahadnaqay dowladda iyo shacabka Masar sida diirran ee ay ugu marti galiyeen dalkaas isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna sheegay in booqashooyinkaan ay kuu muujinaayaan maqaamka iyo danaha Soomaaliyeed.