Dowladda oo waqti badan ku lumisa safarada dibadda -UM

1421

Muqdisho (UM) – Wareysiyo socday isbuuc oo ay ummadda Media la yeelatay dad kale duwan ayay ku ogaatay in dadweynuhu dareemayaan in dowladdu waqti badan ay ku bixiso safarada dibadda ah oo aan wax badan soo kordhineyn.

“Isbuuc kasta Madaxweynaha, Ra’iisulwasaaraha , Gudoomiyaha Baarlamaanka midkood amaba xildhibannada iyo wasiirro ayaa diyaarad usii saran meel” sidaa waxaa yiri askari Booliis ah oo waardiyeynayay garoonka diyaaradaha.

Inkasta oo aysan jirin tira koobyo rasmi ah oo ku saabsan safarada madaxda, haddana dad badan oon wareysanay waxay qabaan in safarada inta badan ay yihiin kuwa tamash la ah ama kulamo aan micno weyn laheyn. Dadka qaar ayaa si gooni ah usoo qaatay safarka Ra’iisawasaarah uu horay usii waday xaaskiisa markii uu ka qayb galayay shirka Bangiga adduunka ama kan Madaxweynaha ee ku  saabsan Amisom oo Kampala ka dhacayay, kaas oo madaxweynaha ay ku wehlisay Marwadiisa.

‘Yaa bixinaya tigidhada  xaasaska? Lacagta yar ee aan helno sidaan laguma khasaarin karo’. Sidaa waxaa yiri ganacsade  ku sugan Muqdisho.”Dowladu waxay rabtaa in dhammaanteen aan canshuur bixino, laakiin sidaan ayay u isticmaale’. Ayuu sii raaciyay.

Markii Madaxweyne Farmaajo la doortay waxa uu ballan qaaday in uu inta badan dalka joogayo, laakiin sidaasi ma dhicin.

‘Madaxweynaha waxa u taalla shaqooyin rasmi ah oo ay tahay in uu tago, ilaa iyo haddana waxa uu  aaday booqashooyin muhiim ah oo ay aheyd in uu tago.Sidaas waxaa qaba Maxamed Cali oo ah arday jaamaceed. Hase yeeshee booqashadii Ra’iisalwasaaraha ee imaaraadka iyo tan hadda ee Washington ayaa noqday ku ay ugu dhaliil badan yihiin dadka aan wareysanay.

‘Booqashada Imaaraadka gabi ahaanba waa ay khaldaneyd, midda haddana ee ku  saabsan waddamada nugul ama taagta darran ee Washington ka dhaceysa waxay aheyd in wasaarada gargaarku tagto”Maxay qabaneysaa wasaaradu haddii Ra’iisal wasaraaha tagayo’ Waxaa su’aashaan isweeydiiyay shaqaale ka tirsan wasaarad dowladeed oo magaciisa qariyay.

Dhammaan intii aan wareysanay ayaa carro ka muujiyay wasiirada iska raaca Ra’iisal wasaarha , iyaga  oo ay u taalo shaqadooda.

Waxay si gooniya farta ugu godeen madaxii amniga ee Ra’iisal wasaaraha oo la sheegay inuu dhuuntay ama lagu waayay dalka Switzerland isaga oo la sheegay in uu magangalyo ka raadsanayo wadan ka mid ah Yurub.

Dadweynihii kala gedisnaa ee aan wareysanay ayaa ku doodday in safarada dalowlada lagu kobo kuwa muhiimka ah , waxay sidoo kale soo jeediyeen in warbixin sanadeed la sameeyo lagu ogaanayo safarada iyo kharashka ku baxay iyo natiijada.

‘Dowladdu waa in ay noqotaa mid lala xisaabtami karo maxaa yeelay waxay isticmaaleysaa lacagta canshuurta aan dhiibno.Waxaan rabnaa dowlad shaqeysa , ma rabno dowlad fasax iskaga jirta oo Nairobi ku maqan’.Waxaa hadalkaas ku aragti dhiibtay arday careysan oo dhawaan ka qalin-jabiyay kuliyada caafimaadka.