Khilaaf ka dhashay Telegram oo ka taagan dalka Iiraan

1283

Madaxwaynaha dalka Iiraan Xasan Rouhani   ayaa waxaa uu  dhaliilay go’aanka garsoorka dalkaasi  ay ku mamnuuceen isticmaalka  appka farimah la iskugu diro ee Telegram loo yaqaano, kaasi aad looga isticmaalo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee dalka Iiraan.

Mr Rouhani oo ka hadlay mamnuucidda Telegram ayaa sheegay in dowladiisu aanay meelmarin talaabadaas islamarkaana ka madaxwayne ahaan uusan saxiixin go’aanka lagu mamnuucay shirkaddaasi xiriirka baraha bulshada internet-ka.

Waxaa la aaminsan yahay in in ka badan  40 Milyan oo reer Iiraan ah   ay kuwada xiriiraan  aalaaddaasi Telegramka.

Madaxwayne Xasan Rouxaani, ayaa sheegay in go’aanka lagu mannuucay  isticmaalka adeega internetka Telegram-ka uusan ahayn mid dowladdiisa caawin doona.

Dhowaan waxaa Iiraan laga hergaliyay adeeg Internet ah oo laga soo miin-guuriyay Telegram kaasi oo lagu sheegay in dadwaynihii Ku xirnaa adeeggaasi uu badal u noqon doono.

Saraakiisha hay’adda Ammaanka dalka Iiraan ayaa sheegay in Telegram laga soo abaabulo banaanbaxyada dowladda looga soo horjeedo ee ka dhacay dalka Iiraan.

Maxkamadda Waaxda Dhaqanka iyo Warfaafinta dalka Iiraan ayaa  bishii April aynu soo dhaafnay 30-keeda waxaa ay Ku dhawaaqday in la xanibay isticmaalka aaladda Telegram.

Dhowaan ayay ahayd markii Xukuumadda Moscow ay sidoo kale Ku dhawaaqday in dalka Caalamka ugu wayn ee Russia laga mamnuucay shirkaddaasi ka dib markii sida la sheegay ay madaxda Shirkadda Telegram ay diideen in hay’adda Ammaanka dalka Ruushka ay Ku wareejiyaan halka lagala socon karo dhaqdhaqaaqa ay sameeyaan dadka Isticmaala adeeggaasi.