Afghanistaan oo ku dhawaaqday xabbad joojin

859

Madaxweynaha dalka Afghanistaan Ashraf Ghani ayaa ku dhawaaqay xabbad joojin  aan shuruud laheyn iyo in dhammaanba si ku meel gaar ah loo joojiyo hawlgalada ka dhanka ah Taliban ilaa iyo  20ka bisha Juun .

Madaxweyne Ashraf  Ghani ayaa sheegay in hawlgalada ka dhanka ah kooxaha kale ay sii socon doonaan.Si gaar ah waxa uu carrabka ugu adkeeyay kooxda Daacish oo aad ugu xooggan dalka Afghanistan, marar bandanna sheegatay qaraxyo oo ugu danbeeyay kii lala beegsaday culimi iskugu timid magaalada Kaabuul.

“ xabbadjoojinta ayaa ah  fursad ay Talibaan dib uga fakari karaan ololahooda dhiigu ku daadanayo kaas oo aan marnaba usoo dumeyn qalbiyada  dadka, taas badalkeedana sii fogeynaya”Sidaas waxaa yiri madaxweynaha Afghanistan mar uu jeedinayay khudbad laga baahiyay tvyda dalkaas.

Talibaan ayaan wax war ah kasoo saarin  xabbad joojinta loo yaboohay iyo in ay qaadaneyso oo ka tanaasuleyso dagaalada ka dhanka ah dawladda Afghanistaan.

Kooxda Taliban waxa ay dagaal kula jirtay dawladda Afghanistaan iyo Nato , tan iyo markii lagala wareegay talada dalka Afghanistaan oo ay gacanta ku heysay intii u dhaxeysay 1996dii ilaa iyo 2001dii.