Aftida dadweyne ee Catalonia: 465 qof oo dhawacmay & sida ay wax u socdaan wadanka Spain

1504
Ninka ugu halisan Yurub, Madaxwaynaha maamulka Catalonia Carles Puigdemont, Barcelona, Axad 01/10/2017

Ugu yaraan 465 qof ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo ka dib markii isku dhacyo uu dhexmaray ciidamada Booliiska dowladda Dhexe ee dalka Spain iyo banaanbaxayaal reer Catalan ah.

Isku dhacyada ayaa bilowday sida wararku ay sheegayaan ka gadaal markii ciidamada Booliiska Spain ay is hor taageen dad doonayay inay ka qayb galaan aftida dadwayne ee dadka reer Catalan ay ku doonayaan inay kaga go’aan xukuumadda Madrid.

Duqa Magaalada Barcelona iyo maamulka Gobalka Catalonia, ayaa sheegay in 465qof isku dhacyadaasi ay ku dhaawacmeen, ayadoo dadka dhaawaca soo gaaray ugu baaqay inay qoraan dacwo ka dhan ah hab-dhaqanka ciidamada Booliiska Spain.

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda Spain ayaa dhankeeda ku warantay in banaanbaxayaasha iyo Booliiska isku dhacooda ay sababtay dhaawaca Sagaal (9) ka mid ah ciidamada Booliiska.

Ra’iisul wasaare Ku xigeenka xukuumadda dhexe ee dalka Spain gabadha lagu magacaabo Soraya Sáenz de Santamaría, ayaa barteeda Twitter-ka war kooban oo ay soo dhigtay waxaa ay ku difaacday hab-dhaqanka ciidamada Booliiska.

Waxaa ay sheegtay in dhib walba oo dhaca ay mas’uul ka yihiin maamulka Catalonia, kuwaasi oo qabanaya Afti aan xalaal ahayn islamarkaana ay mamnuucday maxkamadda sare ee dalka Spain.

Duqa magaalada Barcelona, oo ah magaalada ugu wayn Gobalka Catalonia, Ada Colau, ayaa ra’iisul wasaaraha dowladda dhexe  Mariano Rajoy,   ugu baaqay inuu xilka ka dego sababo la xiriira isku dhacyada Booliiska iyo banaanbaxayaasha reer Catalonia.

Dowladda Gobalka Catalonia, ayaa sheegay in goobihii cod bixinta horay ay ula wareegeen Booliiska Spain in haatan ay furan yihiin islamarkaana laga codayn karo.

Wasiirka arrimaha Gudaha dalka Spain Juan Ignacio Zoido‏, ayaa Booliiska ugu baaqay inay difaacaan sharciga dalka, isagoona soo bandhigay muuqal muujinaya isku dhacyada Booliiska iyo banaanbaxayaasha.

Madaxwaynaha maamulka Gobalka Catalonia ninka dowladda Spain ay ku tilmaantay qofka ugu halisan Yurub Carles Puigdemont, ayaa waxaa uu cambaareeyay qaabka Booliiska ay dadka ula dhaqmayaan, isagoo sheegay in ficilada Booliiska ay sawiro xun ka gudbinayaan dalka Spain.

Jordi Turull, oo ah afhayeenka is-maamul gobaleedka Catalonia, ayaa sheegay in inkastoo Booliiska dowladda dhexe ay xiraan goobaha aftida laga dhiibto haddana 73% oo ah 6,000 oo xarumood ay wali furan yihiin.

Wasiirka arrimaha dibadda maamulka Catalonia ayaa Midowga Yurub ugu baaqay inay cambaareeyaan hab-dhaqanka ciidamada Booliiska dowladda dhexe ee Spain, isagoo sheegay in muwaadiniin ka tirsan muwaadiniinta Midowga Yurub ay dhibaato la kulmayaan.

“Dowladda Spain, waxaa ay na tuseen sida aysan raali uga ahayn aftida, anigana waxaan tusnay awoodeena, anagoo muujinayna hufnaan iyo Dimuqraadiyad” ayuu yiri wasiirka.

Qaarlkaas ayaa waxaa uu soo raaciyay sawiro muujinaya haween da’a ah oo wajiga ka dhiigaysa, Booliiska oo awood adeegsanaya iyo dad qaab Nabad ah ku codaynaya.

FC Barcelona vs Las Palmas

Kooxda Barcelona oo ka mid ah kooxha ugu waa wayn kubadda cagta caalamka ayaa maamulkeeda iyo qaar ka mid ah ciyaartoydeeda waxaa ay taageersan yihiin in Gobalka ugu barwaaqada badan ee Spain ee Catalonia uu ka go’o Spain inteeda kale.

Ciyaartoyda haatan kooxda u ciyaarta oo uu ka mid yahay difaaca kooxda Garad Peque iyo xiddigii hore ee kooxda Xavi Hernandez ayaa muujiyay taageerada ay u hayaan in Catalonia ay Spain ka go’do.

Peqùe ayaa soo dhigay sawir muujinaya inuu ka qayb galay aftida dadwayne ee Catalonia ka soconaysa maanta oo Axad ah.

War goor sii horaysay soo baxay ayaa sheegayay in la baajiyay ciyaar ka mid ah horyaalka Laliga-ha dalka Spain ee dhexmari lahayd kooxda Barcelona iyo kooxda Las Palmas.

Labadan koox iyo waliba taageerayaashooda ayaa kala wata labo fikradood oo iska hor-imaadsan, bacdama Barcelona ay taageerayso gooni isu taaga Gobalka Catalonia halka las Palmas  ay difacayso midnimada dalka Spain.

Maamulka kooxda Barcelona iyo maamulka kooxda las Palmas ayaa isku raacay in labada kooxood aan ciyaartooda la baajin islamarkaana labada kooxood ay ciyaaraan garoon albaabada u laaban oo aan jirin wax taageerayaal ah oo labada dhinac u kala sacab tuma.

Ciyaarta ayaa hadda socota ayadoo aanu cidina garoonka camp Nau, ku sugnayn marka laga reebo ciyaartoyda labada kooxood, tababarayaasha iyo garsoorayaasha ciyaarta.