Al-Shabaab oo qirtay dhimashada Sheekh Cali Jabal oo duqeyn lagu dilay

1623

Al-Shabaab ayaa qiratay geeridii Sheekh Cali Maxamed Xuseen (Sheekh Cali Jabal) oo ahaa wakiilka Gobolka Banaadir, oo ay duqeyn ay la beegsadeen ku dileen duqeyn Mareykanku bishii July ee sanadkan.

Bayaan ka soo baxay Al-Shabaab oo ku qornaa afka Carabiga, kuna saxiixnaa Hoggaanka sare Al-Shabaab ayaa waxaa looga hadlay geerida Sheekh Cali Jabal.

Bayaanka ayaa lagu yiri “Waxaan maanta halkaan uga tacsiyeyneynaa Istish-haadka geesi ka mid ah halyeeyada Islaamka ee baalka dahabiga ah ka galay sooyaalka taariikheed dhulka Soomaaliyeed, kana tagay taariikh weyn oo magaciisa wax badan xambaarsan”

Sidoo kale bayaanka ayaa lagu yiri in diyaarad dagaal oo Mareykanka ay isku dayday inay duqeeyaan, markii koowaad gantaalka ay soo riday la weysay hadafka, markii labaad ay la heshay, halkaas uu ku shahaado qaatay, isaga iyo wiilkiisa Maxamed Amiin oo da’diisu aheyd 12 jir.

Mareykanka ayaa horay u sheegay in duqeyn uu fuliyay 30-kii bishii July uu ku dilay Sarkaalkii Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Banaadir, markii la gantaal lagu dhiftay gaari uu la socday meel ku dhow deegaanka Toora Toorow