Baarlamaanka Soomaaliya oo ansaxiyay miisaaniyadda 2017-ka

1273

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, iyaga oo kulankooda ku ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda 2017-ka, qeybta sanadkan ka dhiman.

Arrinta la xiriirta Miisaaniyadda Dowladda ayaa xilliyadii u dambeeyay waxaa socotay sidii lagu ansixin lahaa, maadaama arrimo badan ay muhiim u aheyd ansixintooda.

Kulanka xildhibaanada Baarlamaanka ay ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Dowladda ayaa waxaa aqbashay in Miisaaniyadda la ansixiyo 167 xildhibaan, halka 2 xildhibaan ay diideen.

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay wixii hada ka dambeeya in ay ansax tahay Miisaaniyadda Dowladda 2017-ka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaalle Bayle ayaa soo dhaweeyay ansixinta Miisaaniyadda Dowladda 2017-ka, ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa horay u fasaxay miisaanida ciidamada xooga dalka.