
Muqdisho – Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dhawaan la magacaabay, Maxamed Xuseen Rooble.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta aysan codeyntu bilaaban xubnaha Baarlamaanka ka hor codsaday in ay codka kasoonida siiyaan Ra’iisul Wasaaraha cusub uu soo magacaabay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha cusub uu yahay nin aqoon yahan ah oo waayo arag ah. ” Mudane Maxamed Xuseen Rooble waa muwaadin Soomaaliyeed oo waayo arag ah oo aqoonyahan ah, oo waddaniyadiisu ay sareeyso” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo hadal kooban u jeediyay Baarlamaanka.
Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa intaas kadib codka kalsoonida u qaaday Ra’iisul Wasaaraha cusub iyadoo 215 mudane ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen. Wax diiday ama ka amuusay ma jirin.
Ra’iisul Wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble ayaa ansixinta kadidb hadal kooban uu jeediyay uga mahadceliyey Baarlamaanka sida ay codka kalsoonida u siiyeen. Waxa uu sheegay in soo dhisi doono Xukuumad tayo leh oo marxladu dalku marayo ka saarta.
Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in Xukuumaddiisuu ay ahmiyada siin doonto arrimaha amniga, Doorashooyinka, caddaalada, adeega bulshada iyo sidii dalka gaarsiin lahaa in ay ka dhacdo doorsho heshiis lagu waddada yahay.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday Xildhibaanada in ay ansixiyeen Xukuumadda uu soo dhisayo.
Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa beddelaya Xasan Cali Kheyre oo bishii July ee sanadkaan codka kalsoonida kala noqdeen Xukuumaddiisa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.