Baarlamaanka dalka Uganda ayaa meel mariyay sharci canshuur kusoo rogaya baraha bulshada, sharcigaas oo qofka isticmaalaya baraha bulshada waajib uga dhigaya in uu bixiyo canshuur maalinle ah oo gaareeysa 200 oo shillinka Uganada ah.
Baraha kala ah facebook, twitter, iyo Whats up ayaa hadda wixii ka danbeeya isticmaalkodu noqonayaa lacag.Dawladda Uganda ayaa sheegtay in sharcigaas la meelmariyay si loo xakameeyo waxa ay ugu yeereen xan lagu faafiyo baraha bulshada.
Waddamada sidaan oo kale sharciyada uga soo saaray baraha bulshada waxaa ka mid ah Tanzania oo lacag canshuur kusoo rogtay ciddii dooneeysa in ay lahaato bar warar ama afkaar lagu daabaco(Blog).Sidoo kale Kenya ayaa meel marisay sharciga la socodka baraha bulshada oo danbi ka dhigaya in la faafiyo war aan la hubin.