Muqdisho (UM) – Bangiga adduunka ayaa meelmariyay hab iskaashi cusub oo qaadanaya afar sanno kaas oo lagu ansaxiyay in Soomaaliya laga fuliyo labo mashruuc oo maalgalin ah oo ku kacaya 80 milyan oo dollar.
Qorshahaan ayaa looga dan leeyaahay in lagu taageero yoolalka dawladda Soomaaliya ee ku u aaddan ballaarinta adeegyada bulshada, dhisida habka ka hortagga musiibooyinka iyo sare u qaadidda fursad dhaqaale ee Soomaaliya.
Bangiga adduunka waxa kale oo uu Soomaaliya ku taageeri doonaa mashruucyo kale oo ku kacaya dhaqaale xooggan sida mashruuca dib u habeynta heydaha maaliyadda iyo sidoo kale xoojinta dakhliga gudaha.
Heyadda hormarinta bangiga adduunka oo la aasaasay 1960kii ayaa waddamada saboolka ah ka taageerta mashaarciidda kala geddisan ee lagu horumarinayo dalalkooda.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku soo dhaweeyay warka ka soo baxay bangiga adduunka isaga oo sheegay in dowladda ay ka go’antahay dib haybta dhanka Maaliyadda iyo yoolalka ee lagu tiigsanayo horumar dalka.
We warmly welcome @WorldBank Country Partnership Framework for 2019-2022. This is great news as more resources are committed for the key reforms our govt is leading. We are determined to succeed in all reforms for the benefit of our people. https://t.co/rev8QUWPWF pic.twitter.com/UgFuhOCPsa
— Dr Abdirahman Beileh (@DrBeileh) September 26, 2018
Bangiga adduunka ayaa sidoo kale Soomaaliya u ogaaladay lacag gaaraya 20 milyan oo dollar oo lagu horumarinayo mashaariic kale duwan oo maamulka iyo Maaliyadda ah.