Boqolaal dad ah oo ku kala nool Poland iyo Lithuania ayaa isugu soo baxay mudaaharaad sabtidii si ay taageero ugu muujiyaan mucaaradka deriska la ah Belarus.
Waxay ku baaqeen in la sii daayo muwaadin u dhashay Belarusiya oo lala xiray saaxiibtiis markii duulimaadkoodii loo weeciyay Minsk.
Xariga labadan ayaa dhaliyay caro caalami ah, waxayna midawga Yurub ku dhalisay inay ku booriso shirkadaha diyaaradaha inay ka fogaadaan hawada Belarusiya.
Dibadbaxyadu waxay ka dhaceen meelo kale oo Yurub ah iyo sidoo kale Mareykanka iyo Australia.
Roman Protasevich, 26, iyo Sofia Sapega, oo 23 jir ah, waxay ka duuleen Gariiga iyagoo ku sii jeeday Lithuania maalintii Axada markii diyaarad dagaal ay Belarus u weecisay diyaaradii ay saarnaayeen si ay diyaaradooda ugu galbiso garoonka Minsk ee Belarus madaama ay jirto cabsi bambo oo noqotay mid been abuur ah.
Waxaa la qabtay isla markii ay soo degtay diyaaradda Ryanair.
“Waxaan ugu baaqayaa dhamaan wadamada Midowga Yurub iyo Mareykanka inay fadlan naga caawiyaan sii deynta Roman iyo Sofia, iyo waliba dhamaan dadka kale ee laxiray” ayay tiri hooyada Mr Protasevich, Natalia oo kahadlay isu soo bax ka dhacay caasimada Poland ee Warsaw.
Waxaan dooneynaa inaan ku noolaano dal xor ah, wadan qof walba xaq u leeyahay inuu muujiyo waxa uu aaminsan yahay, ”ayuu raaciyay Aabihiis Dmitry.
Dadweynihii ka qeyb galay isu soo bixii Warsaw waxay lulayeen calanka guduudan iyo midka cad ee mucaaradka Belarusia, waxayna kor u hayeen calaamado ay ku qoran yihiin Caawinta Belarus iyo Xoriyada Belarus.
Natallia Burak, oo ah 35 jir reer Belarusiya ah oo ku nool magaalada, ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee AFP “Waxyaabaha runti hadda waxay u muuqdaan kuwo xun. Taasi waa sababta aan ugu baahanahay inaan wax qabanno, una tusno kuwa ku dagaalamaya waddankooda inaysan keligood ahayn,”