Muqdisho (UM) – Shir aan caadi ahayn oo uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo ayaa baaqday toddobaadkii la soo dhaafay kaddib markii Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada oo horay u sheegay inay hakiyeen xiriirkii ay la lahayeen dowladda dhexe, sidoo kalena qaadaceen shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo.
Hoggaamiyeyaasha shanta dowlad goboleed oo ku mideysan Golaha iskaashiga maamul Goboleedyada ayaa soo saaray war murtiyeed ay ku shegeen inay hakiyeen wada-shaqeyntii kala dhaxeysay Dowladda Federalka, sababo ay shegeen inay la xiriirto tabashooyinka isbiirsaday sida amniga, wadaagista kheyraadka iyo cabashooyin ay shegeen la xariira farogalin ay Dowladda Federaalka ay ku heyso maamuladooda.
Si ay uga qayb galaan shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo waxay Maamul Goboleedyada shuruud uga dhigeen dawladda in shirka ay goobjoog ka ahaadaan korjoogto shisheeye oo labada dhinac ka baxsan oo damaanad qaadi karta fullinta natiijooyinka shirka ka soo baxa. Sidoo kale waxay dalbadeen goob aan Muqdisho ahayn, maadaama ay sheegeen in Muqdisho aysan ammaan aheyn.
Xiriirka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa aad u xun dhan kasta. Arrimaha awood qaybsiga iyo wadaagga kheyraadka ayaa ah caqabadaha ugu waaweyn ee wajahaya dalka taasoo ay ugu wacantahay qaab dhsimeedka diwladeed oo hab qabiil ku dhisan iyo saboolnimada baahsan oo keeneysa tartan dhanka kheyraadka ah iyo isqabqabsi joogta ah.
Caqabadaha ammni waa mid ay si isku mid ah u wajahayaan Dawladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada, hase ahaate marnaba ma habboona in maamul goboleedyada ay khilaafka ka dhigaan mid khalkhal galiya dowladnimadda curdunka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale waxa ceeb ah in maamul goboleedyadu ay codsadaan dhexdhexaadin shisheeye. Dhibaatooyinka Soomaaliya waa in Soomaalida xallisataa iyaga oo ku xallinaya habka Soomaaliyeed oo ah wada xaajood iyo is qancin. Inta badan is fahamdarrada iyo aamin la`aanta dawladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada waa mid ku dhisan mala`awaal lo aan ahayn mid xaqiiqo ku dhisan.
Maamul Goboleedyada waa in lagu bogaadiyaa sida ay u wada shaqeeynayaan dhexdooda oo ay wax u kala baranayaan, hase ahaate waa in aysan marnaba illoobin in ay ka mid yihiin Soomaaliya oo Muqdisho uu ka xukumo Madaxweyne iyo Ra`iisul wasaare iyo Gole wasiirro oo ay doorteen xildhibaanadoodu. Laga bilaabo Golaha wasiirada ilaa hey`addaha kale ee dawladda, maamul goboleedyada dhan waa lagu matalaa. Si la mid ah heyadaha kale, laamaha ammaanka waa lagu matalaa maamul goboleedayda oo mdkoodna kama maqna. Marka haddii la fashilmo ama la guuleeyto waa mid loo simanyahay.
Wadaagista kheyraadka ayaa noqotay arrin marar badan soo noqnoqotay. Shirkii ugu danbeeyay ee wadaagista kheyraadka ee Baydhabo waxaa heshiis lagu gaaray hab loo wadaagayo kheyraadka dalka. Wali waxaa cabasho ah in wadaagista kheyraadka ay noqoto mid la iskula xisaabtamo oo maamul goboleedyada dhankooda aan dawladda la wadaagin miisaniyadooda iyo kheyraadka ka soo baxa deegaanadooda. Maamul goboleedyada ayaan wali aqbalin hab wax lagu qaybsan karo, ha yeeshe wali waxay rabaan in wax kasta oo yimaada dhexda lagu dhufto, taas oon suurogal aheyn oo marnaba aan la dhaqangalin karin iyada oon la heyn hab lagu ogaado kheyraadka iyo baahiyaha ay qabaan maamulada kala duwan.
Dowladda Federaalka maadama ay tahay waalid oo kale waa in ay mar kasta Maamul Goboleedyada la xaajootaa oo ka talo galisaa dhammaan arrimaha muhiimka ah ee iyaga quseeya.Waa in ay Dowladda Federaalka daah-furnaantaa.
Si xaq ah haddii loo hadlo baaqii madaxweyne Farmaajo waxa uu ahaa mid tanaasul badan ka muuqday laakiin jawaabtii Maamul Goboleedyada ee dalabka dhedhexaadin shisheeye waa mid aan dastuuri aheyn oo ceeb ah, isla markaana ah gaf iyo danbi ay ka galeen dadka ay xukumaan. Go`aankaan khatarta ahi waxaa uu xitaa kala qaybiyay Maamul Goboleedyad oo Madaxweyne ku xigeenada qaar ayaa aad u dhaleeceeyay go`aanakas ah in shisheeye dhexdhexaadiyo Soomaalida kuna tilmaamay mid wadaniyad xummo ah.
Amniga waa in kor loo qaadaa, kheyraadkana la qaybiyaa.Waa in isla xisaabtan labada dhinac uu jiraa si ay Soomaaliya u gaarto yoolalka ay hiigsaneyso. Intaas oo dhammi waa loo baahanyahay, waxaase ka sii muhiimsan masuuliyada la wada leeyahay oo ah in laga adkaado Al-shabaab oo ay muuqato inay ka faa’iideysteen dhacdooyinka nasiibdarrada ah ee ka dhex aloosmay Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyadda.
Haddii madaxda Maamul Goboleedyadu ay ka dhab tahay sida ay sheeganaayan suurtagalinta Soomaaliya oo gaarta nabad waarta waa in ay joojiyaan caqabad ku noqoshadda hiigsiga yoolkaasi. Taariikhda ayaa na tuseysa in dhexdhexaadin shisheeye, faragalin iyo lacag shisheeyaba aan la mahdin in ay fashil kenaan ma ahane. Wadadii xumeyd kuma noqon karno waa in aan ka gudubnaa.