Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo maanta xusaya 75 guuradooda

612

Muqdisho (UM) – Ciidanka Boosliiska Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaaldegaya 75 guurada ka soo wareegtay aasaaskooda.

Waxaa saaka ka socda maagalada Muqdisho qabanqaabada dabaaldegga sanad guurada 75aad ee ka soo wareegtay aasaaska ciidank Booliiska Soomaaliya oo maanta ku beegan 20ka Diseembar.

Xuska sanad guurada 75aad ee ciidanka Booliiska ayaa ka dhacaysa goobakale duwan oo ay ka mid tahay garoonka Koonis iyo iskuul booliisaya ee magaalada Muqdisho.

Waxaa la filayaa in madaxa Qaranka oo ugu horreyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ka qeybgalo xuska dabaaldegga ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo 75 jirsaday maanta.

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa la aasaasay 20-kii Diseembar sanadkii 1943.