Ciraaq: Xarun lagu kaydiyay warqadihii Doorashada oo la gubay

780

Wararka laga helayo dalka Ciraaq ayaa waxaa ay sheegayaan in la gubay xarun kayd u ahayd warqadihii codadkii doorashadii baarlaaaniga ahayd ee dhawaan ka dhacday dalkaasi Ciraaq.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Ciraaq Xaydar Al-Cabaadi oo warbaahinta la hadlay ka dib dabkaasi la qabadsiiyay xarunta warqadaha codaynta, waxaa uu sheegay in dabka ay ka dambeeyaan dad doonaya inay hoos u dhigaan nadaamka dimuqraadiyadda dalka Ciraaq.

Xaydar Al-Cabaadi Ra’iisul wasaaraha Ciraaq, waxaa kale dhacdadaasi uu Ku tilmaamay weerar qaawan oo dalkiisa ka dhan ah.

Doorashadii Baarlamaaniga ahayd ee daka Ciraaq waxaa mar sii horaysay lagu waramay in kuraasta ugu badan uu Ku guulaystay wadaadka Shiicada ah ee MuqtadaAl-Sadar.

Baarlamaanka Ciraaq ayaa dhowaan go’aamiyay in lagu laabto tirinta warqadaha codaynta.