Ciyaartoyda 17-jirada Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay (Sawiro)

1551

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Ciyaartoyda 17-jirada Dalkeena Soomaaliya oo Guul Taariikhi ah kasoo hoyay Tartankii Cecafa ee lagu qabtay Dalka Burundi.

Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan Wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale ayaa si wanaagsan usoo dhaweeyay Da’yarta Qaranka Soomaaliya, iyadoo Ra’iisul wasaare Kheyre uu ugu hambalyeeyay Ciyaartoydeena guusha ay soo gaareen.

Tartanka Cecafa waxaa ka qeyb galay Siddeed wadan oo kala ah Burundi, Uganda, Kenya, Tanzania, Zanzibar, Ethiopia, Sudan iyo Soomaaliya, waxaana koobka ku guuleystay Dalka Tanzania oo Xulka Qarankeena Ciyaartii Finalka kaga adkaaday 2-0 inkastoo bandhiga iyo awooda ciyaarta ay gacanta ku hayeen Da’yarta dalkeena, waxaana Soomaaliya ay sidaas ku gashay Kaalinta Labaad.