Daawo Sawirada Madaxwayne Farmaajo oo kormeeray Warshadda lacagta soo saarta ee Suudaan

1023
Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo oo warbaahinta kula hadlaya magaalada Qartuum/ Jimco/06/10/2017

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda federal-ka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo, oo booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah ku jooga dalka Suudaan, ayaa booqday warshadda lacagta samaysa ee dalkaasi Suudaan.

Madaxwaynaha ayaa kormeerka uu ku tagay warshadda waxaa ku weheliyay madaxwaynaha dalka Suudaan Cumar Xasan al-Bashiir iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan.

Farmaajo, ayaa sidoo kale waxaa lagu waramayaa inuu kormeeray kayd-ka lacag cusub oo Soomaaliya ay leedahay iyo warshadda samaysa qalabka militariga dalka Suudaan.

Hoos ka arag sawirada kormeerka madaxwaynaha