DAAWO SAWIRRADA: Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Booqday Deegaanka Goobweyn

1476

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku labisan dareeska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo Xubno la socday ayaa waxaa ay Maanta booqasho ku tageen deegaanka Goobweyn oo qiyaastii 15KM,u jira Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Jubbaland.

Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ahaa masuuliyiin ay ka mid yihiin ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Abuukate Mahdi Maxamed Guuleed,wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale iyo sidoo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe)

Xubnahaan ayaa soo indha indheeyay Goobo Taariikhi ah oo ku yaala deegaanka Goobeyn kuwaas oo dalxiiska ku fiican.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo garab taagan yahay Ra”iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Dowlada Federaalka ah ku dhiiri geliyay in la maalgaliyo goobaha qurxoon oo ay kamid tahay deegaanka Goobweyn oo ay maanta booqdeen.

“Goobweyn waa meel qurux badan oo maalgashiga ku wanaagsan waxaan Bulshada u sheegaynaa in ay Dalxiis halkan u yimaadaan oo ay Dalkooda maalgashadaan”