Daawo: Xisbiga Waddani ee SL oo Soo Gabagabeeyay OIolihiisii doorashadda Isagoo Muujiyay Cuddudiisa tageero

2279
Isku soo bixii ugu baladhnaa ololaha doorashadda Somaliland oo Xisbiga Wadani uu maanta ka dhigay degaanadda Somaliland

Ololihii xisbiyadda ee saddexda toddobaad socday ayaa maanta soo gabogabowday, waxaana soo afjaray xisbiga mucaaradka ah ee WADANI oo nasiib u helay inuu noqdo xisbiga ugu dambeeya ololaha asxaabta.

Ololahan ayaa 21 maalmood ka socday guud ahaan  degaanadda maamulka Somaliland, waxaana saddexda xisbi mid walba maalintiisa gaarka ah uu ku soo bandhigay fagaarayaasha magaalooyinka waaweyn cududiisa tageero ee bulsho.

Doorashadda ayaa la filayaa inay dhacdo maalinta Isniinta ee bisha 13-keedda, waxaana labadda cishe ka sokeeya la galaya fasax, iyadoo hawl-wadeenaddii guddida doorashooyinka la kala diray, isla markaana dugsiyadii waxbarashadda la fasaxay si xarun uga dhigtaan guddida doorashooyinka,isla markaana hawl-wadeenada iyo qalabkoodda loo dhigto.

Halkan hoose ka daawo Isu soobaxyadii taageerayaasha  Wadani  Ka Dhigeen Fagaaraha Khayriyada Iyo Weedhii Musharax Cirro iyo khudbadihii laga jeediyay dibadbaxa balaadhan.

Doorashadan ayaa noqonaysa tii ugu adkayd ee Somaliland soo marta, isla markaana aan la saadaalin Karin maadaama oo aad iskugu dhowaanayaan, isla markaana tiro yar uun lagu kala badin karo.

Doorashadda dhici doonta isbuuca soo socda ayay guushu dhex talaa labadda Xisbi ee ugu waaweyn Somaliland ee Wdani iyo Kulmiye iyadoo dadka ordorasa siyaasadda ay sheegayaan in ra’yi uruurin bulshadda ah marka la sameeyo ay hadal haynta u badan tahay in Xisbiga Wadani uu heysto Fursad aad u weyn oo uu ku hanan karo doorashadda. Halka Qeybaha kala duwan ee ku manaqashooda baraha bulshadda ay ku kala duwan yihiin tageradooda labadda xisbi.

Xisbiga WADANI ayaa si weyn iskugu soo baxay fagaarayaasha magaallooyinka waaweyn, waxaanu sheegay in guusha xisbiga ka hadhsan tahay maalinta doorashadda.