Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Mustaf Muxumud Cumar ayaa kulan deg deg ah oo albaabadu u xiran yihiin xalay la yeeshay Taliyaha ciidamada Liyuu Booliska General Maxamed Cabdi Qawsaar oo ay yeesheen is aragoodii koowaad.
Madaxweyne Cagjar ayaaa Taliyaha cusub kala hadlay la wareegida shaqada iyo in cadaalad loogu shaqeeyo shacabka, islamarkaana la xoojiyo arrimaha ammaanka.
Wuxuu ka digay Madaxweynaha DDSI dagaalo cusub oo ka gudaha ismaamulka ka sameeyaan rag taageersan Madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud, tanni waxaa loo arkay arrin welwelkeeda leh.
Sidoo kale Madaxweyne Mustaf ayaa sheegay ciidanka Liyuu Boolis inay yihiin ciidan dowladeed oo aan siyaasad fara kula jirin, islamarkaana wuxuu beeniyay in la kala dirayo ciidanka Liyuu Boolis, maadaama maalmahan ay jirtay hadal heyn ah in ciidankan la kala dirayo.
“Aniga Taliyaha waxaan kala hadlay arrimaha ammaanka, waxaa jira dad si qaldan wararka u sheegaya, ciidanka Liyuu Booliska waa ciidan dowladeed, mana ahan ciidan shisheeye, sidaasi darteed wixii la xiriira isbedelka maamulka ma saameyn karo ciidanka, waxaan kala talinayaa dadka wada dhaq dhaqaaqyada la xiriira in la abuuro khalalaase ka dhan ah ammaanka inay ka fiirsadaan.
Madaxweynaha ayaa dhawaan cadeeyey in uu wax kasta u hurayo qiimaha ay leedahay nabaddu, waxaana xalay uu ku sameeyey isbedelkii ugu weynaa laamaha ammaanka.