Diyaaradaha duuliye la’aanta Israel oo ku burburay dalka Lubnaan

583

Sarkaal ka tirsan  kooxda Xisbulah ayaa sheegay in labo  diyaaradood oo kuwa duuliye la`aanta ah oo laga leeyahay Israel ay kusoo dhacday xaafad ay ku xoogganyihiin kooxda Xisbilulah oo ku taalla Koonfurta magaalada Beyruut ee dalka Lubnaan.

Afhayeen u hadlay Xisbulilah oo lagu magacaabo  Maxamed Atif ayaa tilmaamay in diyaaradaha duuliye la’aanta uu nuucoodu yahay kuwa sahanka  sameeya ay ku dul dhaceen saqafka kore dhismo ay ku taallo xaruunta warbaahinta Xisbulilah, ee xaafadda Mucaad, ee demada Dayax ee Bayruut .

Diyaarad kale oo kuwa duuliyo la’aanta oo ay soo dirtay Israiil kuna daba joogtay tan hore ee dhacday ayuu sheegay afhayeenku in ay iyaduna hawada ku burburtay oo ku dhacday meel aan ka fogeyn tii hore wax ka yar 45 daqiiqo burburkii tii hore. Afhayeenka Xisbulah ayaa intaas ku daray in diyaaradda aysan iyagu soo ridin oo ay iskeed u dhacday.

Dadka deegaanka ayaa wariyay qarax weyn oo ruxay aagga ay ku taal warbaahinta Xisbulah goor sii horeysay saaka. Qaraxaan ayaa waxaa ka dhashay dab aad u weyn. Dadka deegaanka ayaa sheegay in aysan aqoon nuuca uu yahay qaraxu waxay se tilmaameen in laga yaabo in ay ka dhalatay drone soo dhacay ama duqeymaha cirka ay Israiill ka geysato  Suuriya. Dadka deegaanka ayaa waxa sidoo kale wakaaladda wararka AP u sheegeen in ay maqleen diyaarad kaceysa wax yar kaddib, iyada oo markii danbena ay kooxda xisbulah xirtay aagga qaraxu ka dhacay.

Diyaaradaha Israiil ayaa marar badan ku xadgudbay hawada Lubnaan iyaga oo weeraro dhanka cirka ah ka geystay dalka ay dariska yihiin Lubnaan ee Suuriya.

Dhanka kale Israiil ayaa sheegtay in ay weeraro duqeymaha ka geystay dalka Suuriya goor danbe oo sabtigii ah. Weerarada ayaa ka dhacay bartilmaameedyo ku dhow caasimadda Suuriya ee Dimishiq. Israaiil ayaa sheegtay in weeraradaas ay uga hortagtay weeraro ay ka fulin lahaayeen Israiil diyaaradaha iskood isku wada(Drone) ee Iiraan.

Gaashaanle dhexe Jonathan Conricus oo u hadlay ciidanka Israiil ayaa sheegay in ciidanka kacaanka islaamiga ah ee Iiraan iyo maleyshiyaad shiico ah oo xulafo la ah ay qorsheynayeen drone qaraxyo ku raranyihiin oo ay u diraan Israiil.

Telefishinka do Suuriya ayaa sheegay in difaaca cirka Suuriya ay ka falceliyeen  gantaallo ku socday caasimadda Suuriya ee Dimishiq, isla markaana ay burburiyeen gantaalada inta aysan gaarin bartilmaameedkii loogu talo galay.

Dhawaanahaan ayay ahayd markii saraakiil Mareykan ah ay sheegeen in Israiil ay duqeymo ka geysatay dalka Ciraaq. Duqeymahaas ayaa caro weyn ka abuuray dalka Ciraaq iyada oo ay qaar ka mid ah ah dowladda Ciraaq ku hanjabeen aargudasho.