Wararka aan ka helayno xeebaha ku dhow dhow magaalo-xeebeedka Boosaaso ee gobalka Barri ee xarunta ganacsiga maamulka Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada ilaalada Puntland ay gacanta ku dhigeen Dooni hub uu saarnaa.
Ciidamada ayaa Doonida ku qabtay xeebta deegaan lagu magacaabo Morooro oo qiyaastii Sagaal Kiilomiitir u jira magaalada Boosaaso.
Waxaa uu tilmaamay in ciidamada ilaalaha xeebaha Puntland ay ku raad joogaan dadkii doonidaasi u rarnayd iyo sidoo kalena ay baaritaan dheeraad ay gacanta ku hayaan taasi oo lagu raadinayo in lagu ogaado arrimo ay ka mid yihiin halkii ay ku sii jeeday Doonnida iyo halkii ay ka timid intuba.
“Doonidani waxaa gacanta ku soo dhigay ciidamada ilaalada Xeebaha ee Puntland, waxaana laga soo qabtay deegaanka Maroore halkaasi oo ay howlgalo ka wadeen ciidamadu.
Doonnida waxaa saarnaa hub noocyo kala duwan leh, waana soo bandhigi doonaan macluumaad dheeri ah oo ku saabsan hubka saaran doonadani”, Ayuu Gaashaanle Maxamed Maxamuud u sheegay warbaahinta.
Hoos ka arag sawiro laga soo qaaday Doonida hubka uu raarnaa